Xafiiskii Muqdisho ee laga qaadan jirey fiisayaasha Turkiga oo xirmey (Foolxumo ka dhacday & madax ku lug leh)

0

(Muqdisho) 31 Agoosto 2020 – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu xirmey Xafiiskii Fiisayaasha Turkiga laga qaadan jirey ee magaalada Muqdisho kaddib markii ay is qabteen shaqaalihii ka shaqaynayey.

Warar xog xogaal ah oo nasoo gaaraya ayaa sheegays in markii hore la bilaabay in lacago dheeri oo laaluush ah laga qaado dadka adeegyada soo raadsada oo sidoo kale loo kala eexanayo.

Waxaa dhibkani bilowday kaddib markii ay Wasiirro iyo Xildhibaanno ku jira DF Somalia ay ka shaqeeyeen in Xafiiskaa ay saamayn ku yeeshaan dhallinyaro aan xifladleey ahayn oo laga dalbay Hargaysa oo musuq dartii shaqo tan oo kale ah looga cayriyey Xafiiska MZ-Vissa).

Waxaa deeto qaab baxarays ah iyada oo CCTV la adeegsanayo shaqadii looga eryey labo ka mid ah dhallinyaro la sheegay inay shaqada yaqaanneen oo Turkiga lagu soo tababaray, iyada oo gacan laga helayo madaxda aannu soo xusnay oo magacyadooda la hayo.

Waxaa dhallinyarada la eryey oo la masabitay loo adeegsadey muuqaal ay duubtay kaamirada amaanka ee CCTV iyadoo dusha laga saaray dembi la macmalay oo been abuur ah si shaqada looga diro.

Dadka ku shirkoobey shirqoolkan oo ay weli isa soo tareeyso xogaha kasoo baxaya ayaa marka laga soo tago inay lacago badan dhacaan, dadkana isku dirayaan sidoo kale la sheegay inay wataan ajende lagu foolxumaynayo xiriirka Somalia iyo Turkiga oo aad u wanaagsan.

Waxaa goor dhow soo dhamaaday kulan dhexmaray Xil-gaarsiiyaha RW oo lagu eedeeyey inuu ilaalin la’yahay nidaamkii xafiiska iyo Danjiraha Turkiga ee Muqdisho lamana faahfaahin waxa ay ka hadleen marka laga soo tago wax lagu sheegay “wanaajinta xiriirka labada dal”, waloow la filayo inay Turkigu arrintan kala hadleen.

Waxaa beri dhowayd baraha bulshada xulayey muuqaal tusaya dhallinyaro isku dhex cayrsanaysa Xafiiska RW oo ah diinimada XF ama halka ugu muhiimsan howl-maalmeedyada guud ahaan DF.

Xafiiskan ayaa muhim u ahaa umadda Soomaaliyeed oo dano kala duwan ka fushada dalka Turkiga, iyada oo DF oo isku dhex daadatay bilihii dambe looga baahan yahay inay arrintan wax ka qabato.

Madaxda qaar oo ay wacyigooda iyo cadaaladooduba liitaan ayaa marar badan xafiisyada dowladda kasoo buuxiya dhallinyaro aan lagu keenin u qalmid iyo aqoon, kuwaasoo kas iyo kama’ u kharriba in ka badan inta ay qaban karaan.

Hadalsame Media