XOG: Sandro Tonali oo qandaraaska u kordhinaya Brescia (Maxaa dhacay?)

0

 (Brescia) 31 Agoosto 2020 – Hilinka Sky ayaa sheegaya in inuu laacibka Sandro Tonali uu hal tillaabo u qaadayo dhanka Brescia kahor inta aanu ku biirin kooxda AC Milan.

Laacibkan 20-jirka ah oo dhanka kale xalay fiidkii wax kasta meel la dhigay kooxda Rossoneri, ayaa marka hore dheereeynaya qandaraaska kooxdiisa oo dhacaya Juun 2022-ka.

MAXAY KA GAASHAAMANAYAAN? Maadaama uu laacibku ku baxayo amaah ikhtiyaari ah, waxay diidayaan in haddii ay Milan heshiiskiisa rigli ka dhigi waydo hadhoow dib loogu soo celiyo tiiyoo ay qandaraaskiisa ka harsan tahay hal sano oo qura.

Yeelkeede, sida kale wax waliba waa sidii lagu heshiiyey, iyada oo la sheegay inuu laacibku Milano imanayo Khamiista si uu tijaabada ugu maro Milan oo uu qandaraaska u saxiixayo Jimcaha ku xiga.

Hadalsame Media