Turkiga oo jasiirado ka qabsan kara Giriigga haddii uu lacalla dagaal dhexmaro (Faham salka khilaafka)

0

(Ankara) 29 Agoosto 2020 – Giriigga ayaa la sheegay in laga qabsan doono jasiirado badan oo ku yaalla Badda Dhexe haddii uu dagaal u cadaysto Turkiga, sida uu sheegay askari howlgab ah oo amaanka falanqeeya.

Wuxuu sheegay inuu Giriiggu u bartay “inuu miiska wax ku qaato” isla markaana uu caadadaas weli wado oo uu doonayo inuu xiisad abuuro si wax loogu ogolaado.

Gaashaale hore oo ka tirsanaa Xoogga Turkiga, Ünal Atabay ayaa Yeni Şafak u sheegay in Turkigu, waloow uu xal nabadeed door bidayo, uu misna dagaal u diyaar yahay haddii laga fursan waayo.

Giriigga ayaase sheegay inuu kaliya wada xaajood ka gelaya Aaga Dhaqaale ee Gaarka ah (EEZ).

Wuxuu sheegay in Athens ay mandiqad ciidan u rogtey jasiiradaha Badda Aegean iyada oo biyaha maxalliga ah gaarsiisey. Waxay sidoo kale xuduudda hawada oo sharciyan ah 6 mayl ay gaarsiisey 10 mayl.

Wuxuu iftiimiyey in Giriiggu aanu xaq ku lahayn Bariga Badda Dhexe isaga oo doonaya inuu qalfoof qaaradeed ku sheegto jasiirado halkaa ugu yaalla taasoo ka hor imanaysa Xeerka Caalamiga ah.

“Xeerka Baddu wuxuu dhigayaa in aanay jasiiraduhu yeelan karin qalfoof qaaradeed. Balse waxay ku doodayaan in jasiiradaha Crete, Karpathos iyo Rhodes ay leeyihiin qalfoof qaaradeed,” ayuu yiri Atabay oo sheegay in sidaa darteed aanay jirin wax sharci ah oo ay Ankara kala hadasho Giriigga.

Hadalsame Media