“Waar anigu ma dhiman!” – Inta qof ee caan ah ee todobaadkan af lagu “diley” & arrin XASAASI ah oo ka dambayn karta

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2020 – Waxaa todobaadkan baraha bulshada Soomaalida dhex jibaaxaysa duufaan cusub oo ku saabsan dad caan ah oo qaab been abuur ah loo leeyihay waa dhinteen.

Dadka la leeyahay waa dhinteen ayaa iskugu jira siyaasiyiin, saxafiyiin, fanaaniin iwm, kuwaasoo ay qaarkood si shakhsiyan ah u beeniyeen.

Waxaa dadka la sheegay inay dhinteen laga bilaabay Abwaanka Hadraawi, kaddibna Sheekh Shariif, Ajakis, Hibo Nuura, Cabdi Qaasim Salaad ilaa Cabdi Salaam Hereri oo isagu shakhsiyan u beeniyey.

MAXAA ARRINTAN NOOGA BAXAY? Waxaa halkan ka cad in uu jiro ifafaale ka jira baraha bulshada oo ah in si kas ah mararka qaar loo jahawareeriyo ra’yul caamka iyada oo lagu dhex tuurayo sheekooyin qorshaysan oo mar qura lagu qarqinayo balse wada been ah, kuwaasoo mararka qaar ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed.

“Malaha qolo wax kale soo sidda ayaa hubkeeda sii tijaabsanaysa.” Ayuu yiri akhriste la yiraahdo Cabdi Ciid oo arrintan uga warramay Hadalsame.

Waxaa horay u jirey sheekooyin mararka qaar lagu weerarayo culimada iyo macallimiinta Dugsi Qur’aanka, marar la iskula dirayo bulshada marna lagu abuurayo mowjado kale, sida beri dhexdaas ah oo ay mar qura soo fateheen warar sheegayo ilmo yar yar oo lagu kufsaday meelo kala duwan tiiyoo aan inta badan la caddaynin.

Iska jir!

Hadalsame Media