KASHIFAAD: Arrin ay 10 sano qarinayeen Imaaraadka & Israel oo hadda soo shaac baxday!

0

(Abuu Dabeey) 27 Agoosto 2020 – Israel ayaa la sheegay inay agab ciidan Imaaradka ka iibinayeen in ka badan 10 sanadood, sida uu kashifay warqaadka Yuhuudiga ah ee Yedioth Ahronoth.

Weriyaha wargayskan ciidamada ugu qaybsan, Alex Fishman, ayaa sheegay in Maareeyaha Sirdoonka Mossad, Yossi Cohen, iyo RW Israel, Benjamin Netanyahu, ay Wasaaradda Amaanka Qaranka waydiisteen inay fasaxdo in hub dheeraad ah laga iibiyo Imaaraadka kaddib heshiiskii labada dhinac iyo dano dhaqaale oo ay Imaaraadka ku qabi doonaan.

Sida uu wargaysku qorayo, Israel waxay bilowday inay hub casri ah ka iibiso Imaaraadka 2010-kii, kaddib markii hoteel ku yaalla Dubai lagu dhex khaarajiyey Hoggaankii Xamaas, Muhammad Al-Mabhouh, oo la dareensan yahay inay Imaaraadku u hoosaasiyeen.

Waxaa xilliaa Abuu Dabeey tegey Madaxii Mossad, Tamir Pardo, kaasoo Imaaraadka la saxiixday heshiis hub looga iibinayo, sidaasoo ay Imaaraadku codsadeen.

Israel ayaan hub ka iibinin cid kasta oo ay aaminsan tahay inay iyadu halis ku tahay, ama ay ku hubayn karto qayb 3-aad oo iyada halis ku ah ama ku noqon karta.

Hadalsame Media