DF Somalia oo hakisay lacag gobollada loo qaybiyey oo cadaalad darro laga sheegtay (Arag qaybta)

0

(Muqdisho) 27 Agoosto 2020 – Madaxweynaha DF Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hakiyey lacag lagu sheegay kab-miisaaniyadeed oo uu Baanka Adduunku ugu tala galay Soomaaliya.

Lacagtan kabka ah ee miisaaniyadda lagu xoojinayo oo uu bixiyey Bankiga Adduunka ayaa la sheegay inay dhan tahay 70 milyan oo doollar.

Yeelkeede, waxaa gunuunuc ka yimid qaabka loo qaybiyey oo uu farqi wayn ka muuqdo, iyada oo aan la sharrixin sababta ay taasi ku dhacay.

Waxaa lacagtan loo qaybiyey sidatan:

Dowladda Federaalka 19 Milyan oo doollar.

Somaliland 11 Milyan

Puntland 9 Milyan

Galmudug 4 Milyan

Koofur Galbeed 3 Milyan

Jubbaland 3 Milyan

Hirshabeelle 3 Milyan

Gobolka Banaadir 3 Milyan

Hadalsame Media