Arrin ay sameeyeen Xildhibaannada Somaliland oo muujinaysa sida shacabku u dulman yahay u dagan yahay una dilan yahay (Dhacdo dhab ah)

0

(Hargaysa) 25 Agoosto 2020 – Doorashadii Golaha Wakiilada ee sanadkii 2005 tii, barnaamijkii Masraxa Musharaxa, oo dadka badankiisu u garan og yihiin “Maxaa kaa lilaahiya”, musharaxiintii laga waraysan jiray badankoodu balanqaaddo aan macquul ahaynbay samayn jireen.

Waxaana jiray niman iminka wakiilada ka tirsan oo waagaas deegaanadii laga soo dooranaayay u ballanqaaday inay waddooyin, biriishyo iyo dugsiyoba u dhisayaan.

Waxa dhici karta in aanay raggaas badankoodu aqoon shaqada golaha wakiilada, iyo inay garanaayeen, ay se ku halawsanaayeen dadka oo ay yarayd inta garanaysay qofka xildhibaanka ah shaqadiisa.

Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012, waxa jiray nin musharaxiintii u tartamaysay Hargeysa ka soo xushay 25 qof, oo yidhi boodhkaas waxan ku soo sawirayaa cida golaha degaanka caasimada Hargeysa ku soo bixi doonta, dabadeedna waxa alla wixi musharax jiray ee Hargeysa jooggay baa ninkii raadisay oo lacag la bariday. Hoo kunkan doollar oo igu soo dar liiska. Hoo labadan kun. Hoo saddexdan kun. Ninkii odayga ahaa wuu ka fara qabsaday. Hadaba nimankii ninkaas lacagta la daydayaayay ee doollarka ku bixinaayay in liiska guulaystayaasha beenta ah lagu daro, qaar ka mid ah baa golaha degaanka Hargeysa ku jira.

Labadaas dhacdo waxa laga baran karaa wax badan: In dadka wax dooranaaya wacyigoodu aad u hooseeyay, oo aanay garanayn qofka ay dooranayaan iyo shaqada ay u dooranayaan. Iyo In aan kuwa tartamaaya ama wakiilada ha ku socdeen ama deegaanka, ee aanay ahayn dadkii munaasibka ahaa ee In la doorto u qalmay.

Qoladii Ina lahayd waddooyin baan idiin dhisaynaa waa kuwaas oo 15 sanadoodbay fadhiyaan. Kuwii caqligoodu liitay ee ninku sawirka la iibiyayna waa kuwaas oo 8 sanadoodbay fadhiyaan, oo waddooyinkii Hargeysi waa kuwaa boholaha noqday.

Bulshayahay tiraa idinka gedmane, wax isu geegeysta.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media