”Kenya iyada oo Kashiinto ku fadhida ayay rabtaa inay Libaax listo!” – Shacabka Kenya oo amaan kala dul dhacay Somalia aadna ugu kacsan dowladooda (Arag jawaabaha)

0

(Nairobi) 25 Agoosto 2020 – Wargayska Daily Nation ayaa wax ka qoray xukunkii shalaytoole lagu ridey madax iyo howlwadeenno ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka oo lagu helay inay xadeen agab loogu tala galay la tacaalidda cudurka Covid-19.

Dadka la xukumay ayaa waxaa ka mid ah Cabdullaahi Xaashi Cali, iyo 3 sarkaal oo sare oo gorodda loo surey xukun dhan 18 sanadood oo xarig ah.

Haddaba, shacabka Kenya oo xukunkaa ka fal-celinaya ayaa isku raacay amaan ay u jeedinayaan Somalia iyo eedayn ay u jeedinayaan dowladdooda oo ay sheegeen inaysan waxba ka qaban musuqa dalkaa la degey. Hoos ka eeg jawaabaha:

Kimathi Gikundi ”Kii ugu dambeeyey ayaa ugu horreeya. Somalia ayaa na baraysa cadaalad, dimoqraadiyad iyo isla xisaabtan. Waxaan rajaynayaa inay Kenya arrintan la socoto.”

Simon Plumb ”Somalia waa musawacii dowlad wanaagga, halka Kenya ay libaax lisayso iyada oo kashiinto ku dul fadhida.”

Peter Mwendwa ”Somalia oo markii ugu horreeysey wax inooga fiicnaatay! Wax ma samayn doonnaa annaguba?”

Kinyua Mwongera ”Somalia ayaadna ku tilmaantaan ”dal fashilmay”, waxaan dhihi lahaa waxa fashilmay waa Kenya.”

Simon Waihenyah ”Dalkayga waxaan waardiye u samaynaa guri ay tuugadu gudaha kusii jirto.”

Boazizi Caxton ”Kenya qoyska Madaxwaynaha ayaaba tuugaysiga ugu horreeya isaga iyo saaxiibbadiisa siyaasadda. Tan oo kale abid ka dhici mayso Kenya. Ma fili kartid inay dowladdu iyadu is baarto.”

Tito Murelli ”Sidaas ayaa la rabaa hambalyo garsoorka Somalia. Kenya sanado badan ayay iska soconaysaa kaddibna waxaa kiiska loo xirayaa marqaati la’aan.”

Joseph Oduori ”Waxaadna noo sheegtaan inaysan Somalia dowladi ka jirin. Duf ku baxa Dowladda Kenya.”

Njourmaman Nyaata ”Cajiib Somalia. Maxkamada Kenya cashar haka bartaan.”

Eric Eliud ”Somalia ayaa hadda na dhaanta.”

Joseph Koech ”Caqiidada Islaamka ayaa sare u qaadaysa cadaaladda, dimoqraadiyadda iyo isla xisaabtanka, halka Kenya ay wax kasta hoos tagaan hal qor: UKenyatta!”

Richard Mwingi ”Ducadeennii waxaa malaha loo aqbalay Somalia. Somalia oo aan ahayn dal fadhiya ayaa naga hay’ado fiican.”

Halkan ka akhri…

Hadalsame Media