NACAS LA NAAWILEY: Dadka Soomaaliyeed waxaa loogu dow galay siyaasiyiin DOQOMO ah!

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2020 – Ayaandarrada Soomaalida haysataa waa dadka talada faraha ku la jira badankooda oo ah calooshood u shaqaystayaal hungurigu shaqeeyo ee aan caqliga iyo xilkasnimadu shaqayn.

Beri dhowayd iyaga oo aan garasho, karti iyo daacadnimo midna lahayn bay beerlaxawsi iyo afgobaadsi isaga dhaheen “sannadka 2021 waxaa loo dareerayaa doorasho qof iyo cod ah”.

Heshiiskaa ka dib heer federaal iyo heer maamul goboleed midnaba la ga ma shaqayn diyaarinta duruufihii doorasho qof iyo cod ahi dalka ka ga qabsoomi lahayd, oo ay u gu horreeyaan dalka oo la xoreeyo, degmooyinka oo maamulka la wada gaadhsiiyo iyo dadweynaha oo la diiwaangaliyo, mana jirin wax dadaal ama iskuday ah oo arrintaa loo galay, haba yaraatee.

Dunidu waa ay arkaysay oo si weyn u la socotay doqonnimada iyo xilkasnimo darrada Soomaalidu wax ku waddo, laakiin ogaan baa fikradda loo gu daayay oo loo gu maalgaliyay si niyadda loo gu dhiso dadkaa wada caqli carruurka ah ee in sida ilmaha loo dhiirrigaliyo u baahan.

Asalkaba doqonnimada iyo xilkasnimo darrada ay dadkaa siyaasiga sheegtaa ku dhaqmaan waxaa ka mid ah in ay umadda la hor yimaaddaan hadallo iyo qorshayaal aad mooddo in qof waalani ku riyooday.

Dadka maanta faraha ku la jira talada iyo siyaasaddu haddii ay yihiin xulkii umadda, waayo adag oo halis badan baa Soomaalida sugaya.

Haddii kale waa in ay soo baxaan xulkii garaadka, aqoonta, akhlaaqda, xilkasnimada iyo ilbaxnimadu.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Sawirku waa jeldiga buugga Doqomada Siyaasiga ah – Sidee nacasku ku gaaraa kursiga xukunka oo uu qoray Maxamed Toowfiiq.

Hadalsame Media