MW Deni & Axmed Madoobe oo soo saaray qoraal ay ku inkirayaan Gobolka Banaadir (Sadarrada dhexdooda)

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2020 – Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo saaray War Saxaafadeed uu ka muuqdo jahawareer badan, kaasoo ay ku dalbanayaan in la qabto shir kale oo la isla ogol yahay sida ku qoran Qodobka 3-aad, waloow ay diideen shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ku casuunaayeen.

Yeelkeede, marka la akhriyo sadarrada dhexdooda waxaa sidoo kale war saxaafadeedka ka muuqanaya in ay inkirsan yihiin Maamulka Gobolka Banaadir taasoo ka dhigan in 3 milyan oo qofood oo bixiya canshuurtii ay diideen isla gobolladani aysan xaq u lahayn inay cod ku yeeshaan madal looga hadlayo doorashadii isla Dowladda ay kaligood marti gelinayaan, balse inta kale soo xaadiraan marka ay dheefi jirto oo qura.

Waxaa Qodobka 1-aad ku qoran sidatan: “Dowladdaha Jubbaland iyo Puntland, waxay iyagoo ixtiraamaya aragtida ka qeyb galayaasha caddeynayaan in qodobada qoraalkii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 19 August 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashda dalka ay tahay aragti ku kooban Madaxdii ka qeyb gashay Shirka oo ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.”

Qodobkan ayaa sida muuqata waxaa ka maqan magaca Maamulka Gobolka Banaadir oo saxiixayaasha ka mid ah, iyadoo in aanu Gobolka Banaadir weli Maamul-goboleed ahayn aysan ka dhignayn in aysan codayn karin dadka ku nool.

Labadan maamul ayaa sidoo kale horay u diidey in Gobolka Banaadir la siiyo 13 Senatar oo ku metesha Aqalka Sare.

Aragtida noocan ah ee ku dhisan in Gobolka Banaadir uu kaliya xamilo dhibka sida qaraxyada, bixinta kharashaadka dowladda iwm, balse aanu wax cod iyo metelaad ah ku yeelanin madlaha qaranka, taasoo ah doqonnimo iyo caqli qalloocan oo aan dunida ka jirin kana shaqayn karin, taasoo aan ahayn aragti lagu metelo shacabka gobolladaas ku dhaqan, balse ay wataan in yar oo ka mid ah madaxda sare oo aan dareemayn ama aan kartideeda lahayn mas’uuliyadda lagula kufay.

Hadalsame Media