Warkii uu sheegay Taliyaha Asluubta oo beenoobey & sida hubka lagu geliyey Xabsiga Dhexe oo la ogaadey

0

(Muqdisho) 21 Agoosto 2020 – Waxaa soo baxday natiijada baaris rasmi ah oo ay sameeyeen Guddigii u xil saarnaa baaritaanka weerarkii la yaabka lahaa ee 10-kii bishan Agoosto ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, taasoo haatan loo gacan geliyey Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Waxay Guddigu kashifeen isla markaana rumeeyeen tuhun horay loo qabey oo ahaa in weerarkan la fududeeyo oo taageero farsamo la siiyey qolyihii gaystey, iyagoo tilmaamay in hub loo geeyey maxaabiista.

Waxaa la ogaadey in qorshaha weerarka la wada bilaabay 8-dii bishan Agoosto iyada oo hub iyo walxaha qarxa lagu dhex qariyey hilib iyo jawaanno liini ka buuxdo si gudaha loogu geliyo, halka gudaha xabsiga 10-kii bishan la geliyey rasaas dheeraad ah.

Waxaana kaddib dhacay weerarka markii saanadda hubka ihi ay gashay gacanta dadkii weerarka qorsheeyey, iyada oo weerar dad badani ku dhinteen lagu qaaday ilaalada xabsiga.

Warkan ayaa gebi ahaanba khilaafaya war uu weerarka kaddib warbaahinta siiyey Taliyaha Asluubta Jen. Mahad Cabdraxmaan Aadan oo waloow aan baaris la sameeyey misna iskii u sheegay in qori laga dafay qof ka mid ah ilaalada lagu diley laba askari kaddibna ay halkaa wax ka bilowdeen.

Weerarkan ayaa loo qabtay guud ahaan 27 qofood oo iskugu jira 12 askari oo ka mid ah Ciidanka Asluubta, 6 shacab ah iyo 9 ka mid ah maxaabiista oo laftooda qaar badan looga diley dagaalkan.

Hadalsame Media