Imaaraadka oo qirtay inuu ku ”fududaaday” heshiiska Israel & 3 weji gabax oo uu durba la kulmay

0

(Abuu Dabeey) 21 Agoosto 2020 – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Anwar Gargash, ayaa qirtay in Imaaraadku aanu xulufadiisa dhow u bandhigin xiriirka uu la yeeshay Israel, isagoo tilmaamay in Sucuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijku ay arrintan ku war la’aayeen.

“Cid saaxiibadeed ka mid ah kalama hadlin heshiiskan – midkoodna, xitaa hal dal oo Carab ah – maxaa yeelay waxaan ku fikirney inay tani heshiiska wiiqi karto,” ayuu yiri Gargash oo muujinaya inay wax qarsadeen.

Aqalka Cad ayaa ahaa halkii ugu horreeyn laga sheegay inuu dhacay heshiis horaad ay gaareen labada dhinac, waxaana bilowgii uu siyaasiga xag-jirka ah ee RW Benjamin Netanyahu sheegay inuu ogolaaday “hakinta” xuf-goosiga Daanta Galbeed uu markii dambe dhowr mar ku celceliyey inay wax kasta sidii hore ku soconayaan oo aysan waxba is bedelin.

Sucuudiga oo markii hore dhowr maalmood heshiiskan ka aamusnaa ayuu Wasiir Dibadeedkooda, Faisal bin Farhan al-Saud wuxuu si taxaddar leh u sheegay in “heshiiska loo arki karo mid wanaagsan”, balse wuxuu hoosta ka xarriiqay inuusan Sucuudigu wax xiriir ah la yeelanayn Israel oo uu raacayo mubaadaradii Beyruut 2002.

Dhanka kale, Israel oo horay loo sheegay inay sidoo kale ogolaatay inuu Imaaraadku iibsado dayuuradaha F-35 ayaa sheegtay inaysan taana waxba ka jirin oo aysan ogolayn in hubkaasi galo gacanta Imaaraadka, si ay meesha uga baxdo sarraynta awoodda cireed ee ay gobolka ku leedahay.

Waxay ka dhigan tahay in Imaaraadku uu durba 3 weji gabax kala kulmayo ”heshiiskan” oo u muuqda mid ay Israel ku danaysanayso, iyadoo durba sheegtay inay amaanka Badda Cas oo aysan wax saamayn ah ku lahayn kala shaqaynayso Imaaraadka.

Hadalsame Media