Guddiga farsamada oo keenay afar nooc doorasho oo hab-raac u noqonaya Doorashada 2021-ka

0

(Dhuusamareeb) 18 Agoosto 2020 – Waxaa miiska lasoo saaray 4 nooc doorasho oo lagu qaadaa dhigayo madasha shirka Dhuusamareeb 3, waloow ay weli 2 maamul ka maqan yihiin.

Noocyada la keenay miiska wada hadalka ee doorasho oo ay kasoo shaqeeyeen guddiga farsamo ee la saaray ayaa kala ah sidatan:

1 – Doorasho dadban balse la badiyey tirada codbixiyeyaasha oo la gaarsiinayo ilaa 101-1000 qof, taasoo ay ergada soo wada xulayaan oday dhaqameedyo iyo bulshada rayidku, isla markaana qabsoomi kartaa kahor Febraayo 2021-ka.

2 – Nooca 2-aad waa doorasho barxan (haybrid) oo isugu jirta mid ah toos ah (qof iyo cod) iyo mid dadban oo degaannada qaar loo asteeyey. Waxaana middan codaynaya dad ka badan 1,000,000 (hal milyan oo qof), waxaana lagu soo abyi karaa ilaa Luulyo 2021-ka.

3 – Nooca 3-aad iyaduna waa qof iyo cod balse waxaa loo codeeynayaa qaab dhijitaal ah (Biometric), waxaana ka qayb qaadanaya tiro gaaraysa ilaa 3 milyan oo qofood, iyadoo qaadanaysa muddo 13 bilood ah.

4 – Tani waa moodalka qof iyo cod balse waxaa la doonayaa in ay is diiwaan gelinta iyo codeyntuba ay dhacaan hal maalin, waxaa ka qayb qaadanaya 3-4 milyan oo qofood oo codkooda dhiibanaya. Waxay qaadan kartaa 9-12 bilood.

Moodalladan ayaa mid laga dooran doonaa ugu dambayntii, sida lagu wado. Waxaana isla maamulaya Guddiga Doorashooyinka heer qaran iyo midka farsamada.

Hadalsame Media