Maamulka Galmudug oo soo bandhigay naqshadda loo dhisayo Dekedda Hobyo + Sawirro

0

(Dhuusamareeb) 18 Agoosto 2020 – Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dekkadaha Maamul-goboleedka Galmudug ayaa faafisay naqshadda iyo qaabka uu noqonayo dhismaha Dekedda Caalamiga ah ee lagu wado in laga dhiso magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Dekedan oo la doonayo inay noqoto hab caalami ah oo mug iyo qaad wayn leh ayaa waxaa loo dhisayaa qaab ay markiiba ku xiran karaan ilaa 10 markab oo waawayn.

Waxaa kale oo ay yeelanaysaa haamo waawayn oo lagu kaydiyo shidaalka iyo dareerayaasha kale ee muhimka ah iyo ilaa 10 bakhaar oo waawayn oo si KMG ah loo dhigo raashinka iyo alaabooyinka kale.

Waxay yeelanaysaa khoor laga dejiyo konteenarrada iyo terminaal qallalan oo lagu raseeyo. Waxay sidoo kale leedahay qayb loogu tala galay in ay ku xirtaan doonyaha yar yar sida kuwa kalluumaysiga iyo kuwa gaarka ah ee raaxada.

Dekedda Hobyo ayaa waxaa lacagta lagu dhisayo ballan qaadday Dowladda Qadar, waana mashruuc haddii uu hirgalo wax badan ka bedeli doona dhaqaalaha iyo adeegyada gobolka iyo dalka Itoobiya oo adeegsan doonta dekeddaasi.

Hadalsame Media