RW Netanyahu oo ku dhawaaqay inay bilaabayaan duullimaadyo toos u tegaya Imaaraadka (Dalka ay sii dul marayaan oo uu kashifay)

0

(Tel Aviv) 17 Agoosto 2020 – RW Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay diyaarinayso bilowga duullimaadyo toos ah oo ay ku tegeyso Imaaraadka iyada oo dul haadaysa Sucuudiga, wax qayb ka ah caadiyaynta xiriirka Carabta iyo Yuhuudda, sida la yiri.

Israel iyo Imaaraadka ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inay samaysanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo uu u kala dab qaaday Maraykanka oo olog ruuxi ah la ah Israel.

Imaaraadka oo sidaa ku noqonaya dalkii 3-aad ee Carbeed ee xiriir noocaas ah abid la samaysta Israel muddo 70 sanadood ah oo ay jirtey, ayaa wuxuu shalay furay khadadka telefoonka iyo webab ay Yuhuuddu lahayd oo xannibnaa.

Netanyahu, oo warbaahinta in yar ugu warramay gegada Tel Aviv ee Ben Gurion Airport ayaa sheegay in la ballaarinayo duullimaadyada oo uu yareeyey cudurka coronavirus, waloow uusan carrabaabin waqtiga rasmiga ah ee dib loo furayo duullimaadyada tegaya Imaaraadka.

“Waxaanni haatan ka shaqaynaynaa in aan bilowno duullimaadyo toos ah oo dul maraya Sucuudiga, kuwaasoo isku xiraya Tel Aviv iyo Dubai iyo Tel Aviv iyo Abuu Dabeey,” ayuu yiri Netanyahu oo sheegay inay duullimaadyadaasi qaadan doonaan 3 saacadood sida kuwa aadaya Roma.

Sucuudiga ayaan weli xiriir toos ah la lahayn Israel, balse wuxuu muujiyey inuu wax la wado, iyadoo ay Riyaad 2018-kii Air India u fasaxday inay hawadeeda soo marto marka ay u kala duulayso New Delhi-Tel Aviv.

Netanyahu ayaa sheegay in xiriirkan cusubi uu keenayo maalgelin cusub iyo dalxiis fara badan oo u kala socda labada dhinac.

Dalal badan oo Islaam ah iyo Falastiin ayaa xiriirkan ku tilmaamay khiyaano dhabarka looga toorriyeeyey qaddiyadii Falastiin iyo Muslimiinta.

Hadalsame Media