Ilhaan Cumar oo xalay guulaysatey yaa doortay? (Arag tirakoobka & sida ay dadku ugu kala badan yihiin)

0

(Minneapolis) 12 Agoosto 2020 – Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatey doorasho hordhac ah oo loogu jirey Degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, iyadoo si xarrago leh uga badisay nin ay kumannaan lacag ah u ururiyeen kooxaha muxaafidka ah iyo kuwa Israel taageera oo ah Antone Melton-Meaux.

HADDABA YAA DOORTAY ILHAAN CUMAR?

Dadka ku nool gobolka MINNESOTA ee dalka Markaykanku waa 5,639,632 (Shan milyan lix-boqol-sagaal iyo soddon-kun lix-boqoliyo laba-iyo-soddon qof). Magaalada Minneapolis oo ah magaalada ugu weyn gobolkana waxa ku nool 429,606 qof. Dadka ku nool gobolkan bulshada cadaanka ahi waxay ka yihiib 83.33%, madowguna 6.19%. Halka bulshada Aasiyanka ahina ka yihiin 4.75%.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar, oo soomaaliyad ah waxa laga soo doortaa degmada D-MN 5th District, oo ka tirsan Minneapolis. Degmadan Ilhaan laga doorto 63% dadka ku nooli waa bulsho cadaan ah , halka bulshada madow oo ay soomaalidu ka mid tahayna ka yihiin 17%. Ilhaan doorashadii ugu dambaysay waxay heshay cod dhan 267,703 (Laba boqol-iyo-toddoba-iyo-lixdan-kun-iyo toddoba boqol-iyo-saddex qof).

Bulshada Ilhaan Cumar doorataa, 83% waa bulshada aan madowga ahayn ee ku nool degmadaas. Sidaa darteed, soomaalidu waa inay ka bartaan In aan qofka lagu dooran qabiil iyo qoomiyad midna, ee qofka kartidiisa, aqoontiisa iyo khibradiisu yihiin tayada dhabta ah ee lagu doorto. Aynu wax ka barano, dadyowga ku guulaystay dawladnimada.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media