Magaalada Dhuusamareeb oo lagu qabtay Jaad dayuurad lagu soo qariyey (Dalka laga keenay & halka uu ku socdey oo aan Dhuusamarreeb ahayn)

0

(Dhuusamarreeb) 12 Agoosto 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamul-goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in halkaa lagu qabtay Qaad qaab qarsoodi ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ee ku sugan gegada dayuuradaha magaalada Dhuusamarreeb ay gacanta ku dhiseen Jaad la tahriibinayey.

Jaadkan ayaa la sheegay in aanu bartilmaameedkiisu ahayn magaalada Dhuusamarreeb, balse boorsooyin loogu sii qaadi lahaa magaalada Muqdisho.

Jaadkan oo ka yimi dhanka Itoobiya, ayaa waxaa baaristii ku fahmey Ciidamada Amaanka ee baaritaanka ku shaqada lahaa, waxaana la sheegay in haatan lagu gubayo agagaarka garoonka.

DF Somalia ayaa Jaadka hakad gelisey bishii Maarso, taasoo qayb ka ah ololaha la dagaallanka Covid-19, maadaama aanu fiicnayn faya-dhowrka Jaadku, isla markaana aanu lahayn hab-raac nadaafadeed oo fadhiya, waxaase jira dad qaba in Jaadka gebi ahaanba koontarobaan laga dhiga ama la yareeyo canshuur badanna la saaro.

Hadalsame Media