Khoorka Dekedda Berbera oo aad loo ballaariyey & mugga xamuul ee ay sanadkii yeelanayso

0

(Berbera) 11 Agoosto 2020 – Hay’adda DP World ayaa war kasoo saartay halka ay mareeyso ballaarinta Dekedda Berbera.

”Waxaannu hadda dhamaystirnay khoor 400m ah oo lagu ballaariyey Dekedda Berbera, Somaliland,” ayay DP World barteeda Twitter kusoo qortay.

”Marka ay howlgasho, waxaa mugga terminaalka sanadkii ku kordhi doonta 500,000 TEU oo ah qaadka xamuulka, waxayna xoojin doontaa inay Berbera noqoto marin ganacsi oo wayn oo u adeegta Geeska Afrika.” ayay daba dhigeen.

Si kastaba, arrintan ayaa wax wayn kusoo kordhin doonta qaadka iyo adeegyada Dekeddan, waloow ay saamiga ugu badan qaadanayso isla DP World oo ay DF Somalia sharci darro ku tilmaantay, sida ay wax ku waddo.

Hadalsame Media