DAAWO: Nin Soomaali ah oo cashar uusan abid illaawin u dhigay nin Carab ah oo ku CANDHUUFAY!

0

(Riyaad) 11 Agoosto 2020 – Odaygani wuxuu ka sheekaynayaa nin Carab ah oo kibir badnaa. Wuxuu deggenaa Riyaad (Sucuudiga) laakiin wuxuu u safri jirey magaalooyinka Daa’if iyo Jidda iyo Dammaam.

Waxaa caado u ahayd intaanu safrin inuu qof garaaco ama candhuuf ku tufo. Bakistaanta, Masaarida ama Sucuudi wuxuu arko ayuu garaaci jirey.

Maalin dambe isagoo safar ah ayuu Soomaali gaari weyn (tareelle) wada dariiqa kula kulmay markaasuu wax ku dhuftay oo candhuuf ku tufay.

Wuxuu yiri Soomaaligu waa xoog weynaa oo intuu madaxayga kilkisha gashaday (qoor sagaaro) ayuu ii kaxeeyey meeshii uu biraha baabuurka uu ku hagaajiyo ku ridan jirey oo la soo baxay bir. Waxaan ku iri raalli noqo oo i daa waa toobad keenayaaye.

Soomaaligii wuxuu yiri waxba ha toobad keenin. Birtii ayuu afarta ilig ee sare iyo afar hoose igaga saaray. Qayladayda iyo xanuunka i hayana dheg jalaq uma siin.

Markuu intaas sameeyey ayuu igu yiri 20 sano ayaaan Sucuudiga joogey wax kaa rdeb daranna ma arkin. Hadda siddeed ilig ayaan kaa riday si haddii aad damacdo inaad qof canfhuuf ku tuftid ay candhuuftu garkaaga u daadato.

Mar labaad haddaan ku arko adigoo waxaas samaymayana wax aadan weligaa arkin ayaa kugu dhici doona. Carabkii wuxuu yiri waxaan ku soo noqday Riyaad, waa is daaweeyey, ma dacwoon oo waxaan iri anigaa meel ku kufay, waana toobad keenay oo qof dambe ma dhibin.

Halkan ka daawo….

Waxaa Diyaariyey: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media