Ilhaan Cumar oo taageero ka heshay geed-fadhiga Xisbiga Dimoqraadiga (Ninka la tartamaya oo ay ku dhaaftay dhankii lagu amaanayey)

0

(Washington, DC) 11 Agoosto 2020 – “Waxa Ilhaan Cumar naadir ka dhigaya waa fahamkeeda ku saabsan inaynaan la dagaallamaynin arrimo kala nooc ah. Waxay fahamsan tahay inaan la macaamilayno nidaam dhan oo ku dhisan dhuunninimo,” ayuu yiri Bernie Sanders.

Ilhaan Cumar ayaa geleeysa doorashada hordhaca ah iyada oo wajahaysa nin aad loo taageerayo, balse waxay ku guulaysatey inay samaysato sal-siyaasadeed iyadoo kasbatay taageerada qoryaha waawayn ee Dimoqraadiga, iyadoo marka laga yimaado Sanders ay sidoo kale taageerayaan Guddoonka Aqalka Wakiillada, Nancy Pelosi iyo Senetaradda isbedeldoonka ah ee Dr Elizabeth Warren.

‘Ilhaan waa hoggaamiye cajiib ah oo muujisay inay leedahay aragti ku saabsan degmadeeda iyo dalka oo dhan’, ayay tiri Barbara Lee.

Cumar ayaa wajahaysa qarreenka Antone Melton-Meaux, oo ah nin siyaasadda dhowaan gal ku ah kaasoo uun la arkay mar uu bishii Luulyo uu ururiyey lacag dhan $3.2m oo doollar taasoo aad loo buunbuuniyey, isagoo taageero ka helaya qolooyin badan oo muxaafid ah iyo kuwa Israel taageera.

Yeelkeede, Cumar ayaa haatan ururisay lacag tiisa ka yara badan oo guud ahaan ah $4.2m, marka loo eego Melton-Meaux oo maraya $4m.

Ilhaan Cumar oo Somalia kasoo jeedda ayaa darteed loo bedeley xeer guun ahaa oo diidayey in qaacada Koongarayska uu dhex fariisto qof ay ka muuqato astaan ama shacaa’ir diimeed sida madax daboolka Muslimiinta.

Hadalsame Media