”Yaa taaban kara!” – Turkiga oo maraakiib dagaal ku gelbiyey markab shidaal ka baaraya Bariga Badda Dhexe & Giriig oo ka xumaaday

0

(Ankara) 11 Agoosto 2020 – Marakiibta dagaalka ee Turkiga ayaa markabka shidaalka baara ee MT Oruç Reis u gelbiyey dhanka Bariga Badda Dhexe, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

“Ciidamada Xoogga Turkigu waxay qaadeen dhamaanba tillaabooyinka daruuriga ah oo xeendaabkooda ku jira si ay u ilaaliyaan danaha iyo xuquuqda xeerka caalamiga ee biyeheenna.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay WG.

Wasaarad Dibadeedka Turkiga ayaa iyaduna waxay soo bandhigtay khariidad muujinaysa howlaha sahminta ah ee uu Oruç Reis ka wado xeebaha fog ee Turkiga iyo xadka EEZ ee bariga Badda Cad.

Turkey ayaa Navtex ku faafiyey Isniintii shalay in Oruç Reis uu daraasad iyo sahmin ku samayn doono gobolka ilaa 23-ka bishan Agoosto.

Bishii hore Giriigga ayaa diidey baaris ay Ankara ka waddey jasaa’irka Meis, iyo Kastellorizo, waxaase dhacday inuu Turkigu howlaha hakiyey iyadoo ay arrinta ku jirtey dowladda Jarmanku.

Yeelkeede, Giriigga ayaa heshiis la galay Masar, taasoo ka caraysiiyey Ankara taasoo sii kicinaysa xiisadda kala dhexeeysa Athens.

Hadalsame Media