Qorshe ay Jubbaland ka fulisey Wasaaradda Caafimaadka DF Somalia oo aad loo amaanay (Ma taqaan EWARN?)

0

(Kismaayo) 10 Agoosto 2020 – Hannaan caafimaad oo kasta oo uu dal leeyahay wuxuu u baahan yahay inuu wax ula socdo si hordhac ah isla markaana uu xog kasoo ururiyo cudurrada faafi kara.

Hannaanka Digniinaha hore bixiya ee Somalia (Early Warning and Alert Network (EWARN)), ayaa muujinaya inuu shaqeeynayo, kaddib markii ay Wasaaradda Caafimaadka ee DF Somalia ay WHO ku wargelisey inuu cudurka Jadeecadu ka dillaacay xero barakacayaal oo ku taalla Jubbaland.

Hannaanka EWARN ayaa bilowgiiba ogaadey 11 kiis oo ah carruur ay kasoo bexeen nabro yar yar isla markaana qandhe sare lagu arkay, kuwaasoo laga diiwaan geliyey Kismaayo.

Waxay markiiba xogta la wadaageen xarunta hay’adda WHO Somalia iyo Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, waxaana intii u dhaxaysey 18-25 Luulyo khubaro caafimaad oo WHO ka socda loo diray Kismaayo.

Waxaa deeto baaritaan lagu sameeyey xeryaha qaxootiga Dalxiiska, Wershadda Hargaha, Farjano, Guulwada, Shaqaalaha, Isbitaalka Guud ee Kismaayo iyo xarumo caafimaad oo kale.

Waxaa markiiba la helay 400 kiis oo la tuhunsan yahay oo laga helay carruur ka hooseeya 5-jirka, kuwaasoo aan horay loo tallaalin.

Waxaa deeto samballadii la qaaday loo diray Shaybaarka Dhexe ee Qaranka ee Muqdisho (CPHL), kaasoo adeegsadey baaritaanka dhecaanka (ELISA).

Waxaa deeto la jeexay qorshe Isbitaalka Guud ee Kismaayo oo ah midka ugu wayn Jubbaland iyo xarumo kale looga sameeynayo qaybo gaar ah oo ay yaallaan 20 sariirood, waxaana qorshahaa oo ay gacan ka gaysteen WHO iyo jaalal caafimaad oo kale oo caafimaad, waxaana aad loo amaanay hannaanka EWARN ee Wasaaradda Caafimaadka DF Somalia, oo la sameeyey markii uu dalka ku dhuftay cudurka Covid-19, iyo doorka uu ka qaatay in halistan la ogaado xilli fiican.

Hadalsame Media