Somaliland oo ka shallaayi karta fursad qaali ah oo ay Shiinaha ka diiddey (Arrin dhaan-dabagaalle noqon karta oo ay cuskanayso & laba iimood oo ku jira)

0

(Hargaysa) 10 Agoosto 2020 – MW Somaliland ayaa la sheegay inuu Shiinaha ka diidey yabooh ku saabsan in loo sameeyo mashaariic horumarineed si uu taa biddaalkeeda xarigga ugu jaro Taiwan oo sharciyan ah gobol weli ka tirsan dalkaasi.

Muuse Biixi ayaa la kaddib kulan saacado qaatay oo uu la yeeshay Danjiraha Somalia ee Shiinaha, Qin Jian, oo muddo halkaa joogey ayaa wuxuu dhegihiisa ku dhibciyey in xiriir uu jaro ha joogtee uu ka baaraandegayo “suurtagalnimada inay is aqoonsadaan Taiwan iyo Somaliland”, taasoo ay haatan howsheeda ku jirto WAD Somaliland, sida ay sheegtay saxaafadda maxalliga ihi gaar ahaan Somaliland Chronicle.

Shiinaha ayaa Somaliland u bandhigay fursado qaali ah oo ay ku jiraan kaabayaal asaasi ah sida dhismayaal jidad, garoomo dayuuradeed iyo in halkaa laga furo xafiis uu Shiinuhu leeyahay, haddii ay xiriirka u jaraan Taiwan.

Yeelkeede, Biixi ayaa dalabkaa diidey, isagoo gows dambeedka ku haya xeer uu Maraykanku bishii Maarso meel mariyey oo la yiraahdo TAIPEI Act, kaasoo dhigaya in la dhiirri geliyo la macaamilka Taiwan.

Ha yeeshee, wuxuu xeerkani leeyahay laba iimood; 1 – Waa mid ka dhashay dagaalka ganacsi ee uu Maraykanka iyo Shiinaha ka dhex sameeyey Donald Trump.

2 – Haddii uu Donald Trump xilka ka dego bisha Maarso oo la caadiyeeyo xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha oo ay dano ganacsi oo waawayni iskaga xiran yihiin, waxan oo dhami waxay iska noqon karaa taariikh, haddii ay taasi dhacdana waxaa Somaliland ka lumaysa fursad wayn, marka xisaabta lagu daro in Taiwan aysan qaban lahayn wax ka badan mashaariic horumarineed maadaama aysan siyaasad ahaan micne buuran ku lahayn caalamka.

Si kastaba, wakiilka Somaliland ee Taiwan, Maxamed Xaaji Maxamuud, ayaa Jimcihii ka degey garoonka Taoyuan International Airport ee magaalada Taibei, waxaana halkaa kusoo dhoweysey WAD Taiwan.

Hadalsame Media