Dunida oo la yaabban qarada god ay ka heleen goobtii uu ka dhacay qaraxa Beyruut + Sawirro

0

(Beyruut) 09 Agoosto 2020 – Qaraxii kiimikadu sababtay ee todobaadkii tegey Beyruut ka dhacay kaasoo ay ku dhinteen 150 qofood ka badan ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka qodmay god wayn.

Godkan ayaa la sheegay inuu hoos u qodan yahay ilaa 43-mitir (141 cagood), sida ay sheegayaan saraakiisha amaanku.

Qaraxan oo Talaadadii dhacay ayaa xitaa laga maqlay dalal kale sida jasiiradda Qubrus, waxaana sida uu sheegayo mac’hadka American Institute of Geophysics (USGS) uu lahaa awood dhan 3.3 marka la eego cabbirka dhul-gariirka.

Qaraxan oo sababsaday dab ka kacay dekedda ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 6,000 oo qof, halka ay ku barakeceen in ka badan 300,000 oo qof.

Waxaa godkan oo ka wayn midkii uu qoday qarixii 2005 lagu diley Rafiiq Xariiri oo 10 mitir ahaa haatan baaristiisa ka shaqaynaya dalalka Faransiiska, Qadar, Ruushka, Jarmanka iwm.

Hadalsame Media