BAM WAQTIYAYSAN: Muqdisho oo ay ka taagan tahay arrin halis wayn xambaarsan, DF Somalia & shacabka oo…. (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 09 Agoosto 2020 – Falanqeeye Cabdullaahi Nuur Xaashi oo lafa-gura arrimaha siyaasadda ayaa ka dayriyey aayaha saldhig la hadal hayo in laga dhisayo dhulka ay Itoobiya maamusho ee Soomaalida, kaasoo ay horay dad badani uga shakiyeen.

Cabdullaahi ayaa ka hadlay halista ku duugan in ay Muqdisho oo ah magaalo la hardamaysa amaan xumi uu maanta weli ka furan yahay suuq si furan hubka looga iibsado, kaasoo ah ”Cir Toogte.”

Wuxuu sheegay in ragga ganacsatada sheeganaya ee halkaa ka shaqeeya ay yihiin kuwa ugu talada xun waayo hubka uu isagu iibinayo ayaa hadhoow lagu dumin doonaa guriga uu ku dhisayo lacagtaasi.

Cabdullaahi ayaa iftiimiyey in DF Somalia iyo dadka degaankuba ay arrintaa ku eedeeysan yihiin balse ay si fudud wax uga qaban karaan maadaama ay dadka degaanku is yaqaannaan haddii xaafad xaafad loo hadlo.

Halkan ha dhegeyso….

Hadalsame Media