Saldhigga tareennada ugu casrisan Roma oo loogu magac darayo halgamaa Soomaali-Talyaani ah & waxa uu ahaa + Sawirro

0

(Roma) 08 Agoosto 2020 – Magaalada Roma ayaa u codaysay inay saldhigga tareennada ee dhulka hoostiisa mara ee Amba Aradam ay ugu magac darto Giorgio Marincola.

Golaha Degaanka Roma ayaa u codeeyey mooshin dhigaya saldhigga Metro C ee dhismuhu ku socdo loogu magac daro nin Soomaali Talyaani ah oo lagu naanaysi jirey Giorgio Marincola, taasoo ka bedelan magacii horay loo qorsheeyey ee Amba Aradam – Ipponio.

“Roma waxay ku faanaysaa inay ka horjeesato Fajiistaha,” ayay tiri Duqa Magaalada Virginia Raggi oo sheegtay in Marincola “uu noloshiisa u huray dalkiisa uuna u dhintay xoraynta Talyaaniga.”

Tillaabadan ayaa imanaysa 6 todobaad uun kaddib markii ay gayfanayaal liberaal ihi ay baannar wayn dul saareen saldhiggan la dhisayo iyagoo diiddan in loogu magac daro ”Via Amba Aradam” (oo salka ku haya dagaal dad Itoobiyaan ah lagu xasuuqay oo dhacay 1936-kii).

Waxay kaloo ku falaadeen taallada Indro Montanelli ee Milano, oo lagu maamuusay weriye midig fog ahaa oo gabar 12-jir ah oo Eritrean ah xaas ka dhigtay mar uu joogey dalkaasi xilligii dagaalkii 2-aad ee Itoobiya iyo Talyaaniga 1936-kii.

Waa ayo Giorgio Marincola?

Waa wiil ay dhashay hooyo Soomaaliyeed, Marincola wuxuu ku dhashay Muqdisho 1923-kii, oo xilligaa ka tirsanayd mustacmaraddii Italian Somaliland.

Si ka duwan dhaqankii xilligaa jiri jirey wuxuu aabihii aqoonsaday Giorgio iyo gabar ka yar oo la yiraahdo Isabella wuxuuna keenay Talyaaniga oo ay ku barbaareen.

Marincola ayaa markii kaddib wuxuu gacan wayn ka gaystey xorayntii iyo midayntii Talyaaniga xilligii Dagaalkii 2-aad, waxaana isaga iyo 25 kale diley ciidamadii Jarmanka ee ka guranayey Talyaaniga 4 Maajo 1945-kii.

1953-kii waxaa Marincola oo mootan la siiyey billada ciidan ee ugu sarreeysa ee Medaglia d’Oro al Valor Militare.

Hadalsame Media