Gabar Soomaaliyeed oo rikoodh cusub u dhigtay Soomaalida ku nool Minnesota & billad la siiyey + Sawirro

0

(Minnesota) 08 Agoosto 2020 – Gabar Soomaaliyeed oo ku barbaartay magaalo yar oo ku taalla Ohio kaddib 9/11, Qorsho Hassan, ayaa noqotay macalimadda sanadka ee Minnesota, taasoo ka dhigaysa qofkii ugu horreeyey ee Soomaali Maraykan ah ee ku guulaysta.

Qorsho oo abaal marintan lagu siiyey Xarunta Dowlad-goboleedka Minnesota State Capitol, ayaa sheegtay in “ardaydu ay howsha la qabtaan” oo ay door muhim ah siiso. ”Waxaan ardayga ka dhigay qofka ugu muhiimsan.” ayay tiri.

Qorsho ayaa waxaa aad u amaanay dadka la shaqeeya, waalidiinta iyo ardayda oo la dhacsan hab-howleedkeeda.

Maamulaha Dugsiga Burnsville’s Gideon Pond Elementary, oo ah halka ay Qorsho Fasalka 5-aad ka dhigaysey labadii sano ee tegey ayaa ku tilmaamay “bare wax badan oo isbedel ah sameeyey.”

Qorsho ayaa laga xushay 134 macallin oo billadan ku tartamayey.

Hadalsame Media