MBS oo koox mashiidiyo ah u diray nin kale oo Sucuudi ah 2 todobaad uun kaddib qalitaankii Khashuuqji (Dacwo cusub oo laga gudbiyey)

0

(Washington, DC) 07 Agoosto 2020 – Sarkaal sare oo ka tirsanaa Sirdoonka Sucuudiga ayaa sheegay in Mohammed bin Salman (MBS) uu usoo diray koox soo khaarajisa, 13 maalmood uun kaddib markii uu qalay weriye Jamal Khashuuqji, sida ku cad dacwo laga galeeyey maxkamad ku taalla Maraykanka.

Dacwaddan oo ka kooban 106-bog (halkan ka degso iyada oo PDF ah) ayaa shalaytoole loo gudbiyey Maxkamadda Degmada Washington DC.

Waxaa dacwoonaya, Saad al-Jabri, oo ah nin si rigli ah u deggan Canada, kaasoo dhaxal-sugaha MBS ku eedeeynaya inuu soo diray koox dilaayaal ah oo loo yaqaan ”Kooxda Shabeellada” (Tiger Squad), si ay isaga u khaarajiyaan.

“Dad yar ayaa haya xog ka xasaasisan, ka bahdil badan kana xun midda uu hayo Dr. Saad, waana taas sababta uu MBS u doonayo in la dilo,” ayay u akhrismaysaa jumlo ka tirsan dacwadu.

Kooxdan oo ay dacwaddu ku tilmaamayso “calooshood u shaqaystayaal si gaar ah ugu shaqeeya MBS” ayaa yimid Toronto Pearson Airport iyagoo wata fiise dalxiis bartamihii Oktoobar 2018, qiyaastii 2 todobaad uun kaddib markii Qunsuliyadda Istanbul lagu dhex qalay Khashuuqji.

Kaaga darane waxay xitaa wateen qalabka lagu ogaado hidde-sidka qofka iyo dad arrimahaa yaqaanna, kuwaasoo uu ku jiro ninkii qaabeeynayey sida loo baabi’inayo raadkii Khashuuqji oo miishaar danabeed lagu jarjaray, sida ay dacwaddu sheegayso.

Dhowr hay’adood oo dhanka sirdoonka ah oo ay ku jirto midda CIA ee Maraykanka ugu qaybsan caalamka, ayaa sheegtay in ay hubto in MBS uu amray dilkii Jamaal, taasoo ay Riyaad beenisey.

Dacwadda ayaa MBS ku eedeeynaysa inuu isagu ka dambeeyo afduubka laba carruur ah oo uu dhalay al-Jabri, kuwaasoo la waayey bartamihii Maarso, iyadoo sheegaysa in dad kale oo ehel la lah lagu xirey oo lagu jir diley Sucuudiga, si uu u yimaado Sucuudiga oo deeto loo dilo.

Hadalsame Media