Yaa xil-gaarsiinta la wareegaya marka ay xil dhamaystaan Baarlamanka & Madaxwaynuhu? Siyaasi arrintaa ka hadlay & Qodob Dastuuri ah oo uu soo daliishadey (Arag Qodobka)

0

(Muqdisho) 07 Agoosto 2020 – Waxaa soo dhow oo ay bilo innaga xigaan waqtiga ay dhamaanayso mudada xil-hayneed ee Baarlamanka dhexe iyo Madaxwaynaha DF Somalia.

Haddaba, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in marka uu labadaa xilku ka dhamaado ay xil-gaarsiinta qabanayaan gole ka kooban Maamul-goboleedyada.

Wuxuu Warsame boggiisa Twitter-ka kusoo qoray in haddii la gaaro 27-ka Diseembar oo uu dhacayo mudo-xileedka Baarlamanka iyo 8-da Febraayo oo uu dhacayo midka MW DF Somalia, in ”hay’adda dastuuriga ah ee hartay ay tahay Golaha Maamul-goboleedyada isagoo sheegay inuu sidaa qabo Dastuurka Federaalka ah, gaar ahaan Qodobka 111-aad qaybtiisa F.

HADDABA MAXAA KU QORAN QODOBKA 111F?

Qodobka 111 F. Guddiga Isku-Xirka Xukuumadaha:

(1) Waa in sharci Federaal ah lagu sameeyaa Guddi isku xirta xukuumaddaha

(2) Guddiga isku xirka xukuumaddaha “waa inay lahaadaan awoodaha Federaalka Baarlamaanka uu u arko daruuri sida: (a)Fududeynta is-kaashi iyo isla-xiriirka Dawladda Federaalka iyo xubnaha xukuummadaha Federaalka dhexdooda; iyo (b)Xallinta wixii khilaafaad ku saabsan maamul ama siyaasadda ee awoodooda hoos yimaadda kuwaasoo soo kala dhexgeli kara Dawladda Federaalka iyo hal dawlad oo xubin ka ah Federaalka ama in ka badan Dawladdaha xubinta ka ah xukuummadaha Federaalka ama.

(3) Guddiga Isku Xirka Xukuumaddaha waa inay ka koobnaataa xubnno uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu iyo marka ugu yaraato tiro la mid ah oo ay soo magcaabeen mid walba oo ka mid ah dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Sida ka muuqata qodobkan oo ka mid ah kuwa jahawareerka miiran ah ee ku dhigan Dastuurka Somalia ayaan suurtagal ahayn, iyadoo marka laga soo tago in ay doodi ka imanayso sharciyadda guddi noocan ah, aan misna gebi ahaanba la dhisin, waxaana caadiyan qurux badan ama jawareer yar in xil-gaarsiinta ay mar walba yeelato DF Somalia.

Hadalsame Media