”Soomaalidu waa Irish-ka Afrika waase umad uu musuqu nolol u yahay!” – Chris Reynolds oo qiray sirta ka dambaysa joogista Midowga Yurub ee Somalia

0

(Muqdisho) 06 Agoosto 2020 – Maareeyaha Ilaalada ka socota Midowga Yurub ee sheega inay ilaaliyaan xeebaha Somalia, Chris Reynolds, ayaa markasta oo uu dibedda u baxayo waxaa gelbiya laba gaari oo gaashaaman iyo ilaalo xayn ah, taasoo aan ahayn wax caadi ah, sida lagu qoray Irish Times.

Tan iyo Sebtembar 2019-kii, ninkan reer Dublin ayaa ahaa Madaxa Howlgalkan Midowga Yurub oo doonaya inay soo noqodkii sharciga iyo kala dambaynta ka caawiyaan Somalia, isagoo deggan dhisme ku dhex yaalla Xalane oo u dhow garoonka Muqdisho kaasoo ay ilaaliyaan ciidamada Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Reynolds, oo beri dhowayd billad sharaf helay ayaa qoslay markii la waydiiyey inay qoyskiisu Muqdisho la joogaa.“War maya. Qoyskaaga halkan ma keeni kartid.” ayuu lasoo boodey, ninkan oo kasoo jeeda Terenure oo ka mid ah 5 Irish ah oo ka tirsan howlgalka EUCap iyo midkii koowaad ee hoggaamiya howlgal madani ah oo mug dhisid ah.

”Inaad Irish tahay waxay kaa caawinaysaa inaad dadka xiriir la yeelato marka la joogo dal ay dagaallo la degeenhas its advantages in building relationships in the war-torn country,” ayuu yiri.

‘Dad ku dhibban dersaantooda’

“Soomaalidu waa Irish-ka Afrika,” ayuu yiri isagoo xiganaya bad mareen jirey qarnigii 19-aad, Richard Burton. “Waxaana nagu hareereeysan biyo qurxoon, taariikh busaaradeed, sooyaal socdaal iyo hayaan ku dhisan, had iyo goorna deriskeenna waa isku dhibbanahay.” ayuu qoray.

Reynolds ayaa sheegay in howsha ugu darani ay tahay ilaalinta “biyaha buluugga ah” ee xeebaha Somalia oo hodon ku ah khayraadka. ”Musuqu waa u hab-nololeed Soomaalida, kuwa ugu daranina waa Al Shabaab. Waa sidii cudur faafa.” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in maadaama uu dalku muddo dheer sharci la’aan ahaa ay dadka qaar dhibayso isbedel dhaca. “Waxaad moodaysaa inaad fahamtey waxa socda oo aad horay u socoto, balse maalinta xigta ninkii aad la xiriireysey ayaaba shaqadii laga qaadayaa, telefoonkiina cidiba kaa qaban mayso.” ayuu yiri Reynolds oo dhanka sheegay in Somalia oo uu 4 sanadood joogey ay haatan dhanka wanaagsan u socoto oo ay rabshadu sii yaraanayso dhaqaaluhuna soo hagaagayo, isagoo ballan qaaday inuu joogi karo haddii waqtiga loo kordhiyo.

Somalia ayaa leh khayraad fara badan oo ay iyadu ka qatan tahay qorshena aan u lahayn, balse uu caalamku isku haysto.

Hadalsame Media