DAAWO: ”Wuxuu ahaa qaraxii ugu waynaa taariikhda!” – Akhri inta jeer ee uu dhacay qarax ay keentay maadada Ammonium Nitrate

0

(Beyruut) 06 Agoosto 2020 – Waxaa ilaa maanta ay dunidu la amakaagsan tahay qarax Talaadadii ruxay caasimadda Lubnaan ee Beyruut, kaasoo ay geeridu iminka usii socoto 200 oo qof, waloow aan dad badan xitaa maydkooda abid la arki doonin, waxaana ku dhaawacmay 5,000 oo qofood.

Qaraxan ayaa la sheegay inay sabab u ahayd maadada kiimikada ah ee fal-geli og ee Ammonium Nitrate oo loo adeegsado bacriminta beeraha iyo sidoo kale qarxinta meelaha wax laga qodo ama dhismayaasha waawayn oo si xun loo kaydiyey.

Mase aha markii ugu horreeysey ee uu dhaco qarax noocan ihi oo ay deeto boqollaal ku dhintaan, kumannaana ku dhaawacmaan.

1947-kii, markab sida 2,300 oo tan oo isla maadadan ah ayuu dab ku qabsaday deked ku taalla Texas, waxaan ka dhashay qaraxyo is xig xigey, taasoo keentay inay dhintaan 600 oo qof, halka ay 5,000 ku dhaawacmeen.

1921-kii, wershadda Oppau Plant ee Jarmanka ayaa isku jir bacrimis ah oo gaaraysa 4,500 oo tan oo iskugu jirta Ammonium Nitrate iyo Ammonium Sulfate ay mar qura qaraxdey, waxaa ku dhintay 600, halka ay ku dhaawacmeen 2,000.

2015-kii, deked ku taalla magaalada Tianjin ee Shiinaha, ayaa waxaa mar qura dab qabsaday bakhaar kiikimada lagu kaydiyo waxaana ku dhintay 173 qofood. Intaa kuma ekaane wuxuu qaraxani xitaa sababay dhul-gariir uu xajmigiisu gaarayso 2.5 richter scale.

Qaraxa ka dhacay Beyruut oo ay ku qaraxdey 2,700 oo tan oo ah maadada Ammonium Nitrate waa xaddigiii ugu badnaa maadadan ee mar qura qaraxda taariikhda.

Hadalsame Media