”Waxaan tababaraynaa 1/3 ka mid ah Xoogga Dalka Somalia” – Turkiga oo ka hadlay qorshe soconaya kaddib bixtaanka AMISOM & waxa ka jira ciidamo la gaynayo….

0

(Muqdisho) 04 Agoosto 2020 – Danjiraha dalka Turkiga u fadhiya Muqdisho, Mehmet Yılmaz, ayaa u sheegay wakaaladda Anadolu Agency (AA) oo uu kala hadlay xiriirka labada dal oo uu sheegay inuu meel wanaagsan marayo, inay “tababarayaan 3 meelood oo 1 meel ka mid ah guud ahaan Ciidanka Somalia oo gaaraya 15-16,000 oo askari.”

Wuxuu sheegay in marka iskaashiga amaanka iyo ciidamada laga soo tago ay Turkiga iyo Somalia iska kaashayaan dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu yahay guun soo jirey sanado badan kahor, balse uu dib usoo noqday markii uu MW Recep Tayyip Erdoğan booqasho rasmi ah ku tegey Muqdisho 2011-kii, xilligaasoo ay Somalia la hardamaysey macluul ba’an oo u baahnayd dareen caalami ah, maadaama uu Erdoğan noqday madaxdiii ugu horreeyey ee aan Afrikaan ahayn “ee Somalia booqda muddo 20 sanadood ah.”

Wuxuu sheegay inuu jiro qorshe iskaashi amni oo sii soconaya kaddib marka ay AMISOM dalka ka baxso, isagoo tilmaamay in ay hadda socoto tabaridda saraakiisha noqon doona laf-dhabarta ciidamada Xoogga Dalka Somalia iyo xitaa 1,000 sarkaal booliis, kuwaas oo lagu diyaarinayo xerada TURKSOM, oo isku ah Akadmiye ciidan iyo saldhig ay Turkigu ku leeyihiin Muqdisho oo sidoo kale lagu tababaro komaandoos xirfadleyaal ah, kaddibna waxaa dib loogu soo celiyaa dalkooda,” ayuu yiri Yılmaz.

Yilmaz ayaa aad u amaanay tillaabadii ay Somalia dalka uga saartay kooxda Gülenist (FETÖ) oo uu ku tilmaamay kuwo argagixiso ah oo ay bedeshey Maarif Foundation, kaddib afgembigii fashilmay ee 15-kii Luulyo ka dhacay Turkiga, isagoo beeniyey inay ciidan Soomaali ah gaynayaan Libya.

“Baraha bulshadu waa ku xooggan yihiin Somalia. Waxaan isha ku haynaa dalalka qaar oo hollinaya inay jahawareeriyaan iyagoo danohooda eeganaya. Eedaymahaasi run maaha waxbana kama jiraan,” ayuu yiri Danjiruhu.

Hadalsame Media