Yaa u agoomoobaya haddii laga adkaado Donald Trump? (Arag heshiiska halista ah ee lala galay & cillada ku jirta!)

0

(Hadalsame) 04 Agoosto 2020 – Trump ayaa madaxda Khaliijka wuxuu sida la dareemi karo siiyey xornimo dheeraad ah oo ay ku cayrsadaan nooc kasta oo siyaasad ah oo ay doonayaan iyadoo aan wax qiimayn ah la siinayn dimoqraadiyadda iyo xuquuqda insaanka – balse waxaa lagu xirey shuruud ah inay Israel u daayaan inay sidii ay doonto ula macaamisho Falastiin, inay hub fara badan oo aan istaraatiji ahayn lacag balaayiin ah uga iibsadaan maraykanka, isla markaana ay cadowgooda 1-aad ka dhigaan dalka Iiraan.

Halkan ka akhri qaybtii 1-aad

Siyaasaddan oo sii dishey sumcaddii awalba carraysnayd ee Maraykanku ku wajahayey dibedda, ayaa waxaa aad u diiddan Dimoqraadiga oo sida uu Trump gacanta furan u siinayo  Mohammed bin Salman iyo Mohammed bin Zayid u arka mid uu kaliye taliye ku taageerayo mid kale, balse ceeb wayn ku ah xeerka caalamiga ah.

Haddii lasoo xooriyo, xitaa madaxda dalalka Khaliijku waxay gaareen heer taageerada Aqalka Cad ee ku aaddan isku taagiddooda Iiraan iyo cirib tirka mucaaradka gudeed iyo isbedel doonka dalalkooda u arkaan mid abid waaraysa.

Yeelkeede, waxay isku halleeyeen Madaxwayne hal xilli-le noqon kara waxayna yaraysteen in ay gaareen heer maanta ay in ka badan kala bar shacabka Maraykanku u arkaan ”Trumpist-yaal aan la cafin karin,” ama wax mudan in la rajiimiyo oo la fogeeyo.

DIB U QAABANTA SIYAASADDA GACANKA

Haddii uu dayrtan lacalla guulaysto Xisbiga Dimoqraadigu, waxay aad ugu badan tahay in Maamulka Biden oo kaashanaya Aqalka Koongarayska qaybtiisa Dimoqraadigu, inay gebi ahaanba dib u qaabeeyaan siyaasadda Maraykanka ee Gacanka iyo xiriirka labada dhinac.

In mowqif adag laga qaato talisyada tadha’ay ee Khaliijku qiime sare ugu kici maayo Maraykanka caalamiyan, balse taa biddaalkeeda waxay Dimoqraadigu ku heli doonaan taageerayaal badan, sababtu waxay tahay Dimoqraadiga oo metela dad kala diimo ah iyo dabaqadda shaqaysa ee bulshada, kuwaasoo aad u diiddan siyaasadaha ku dhisan kala sarraynta iyo xushmad la’aanta xuquuqda insaanka, marka loo eego Jamhuuriga oo inta badan metela dabaqadda sare.

Sidaa darteed, calool jileec badan uma hayaan madaxda Khaliijka ee ku hodmay hanti umadeed oo aysan shaqaysan, cadaalad darrada dhanka dakhliga iyo ku tumashada ama la dagaallanka dimoqraadiyadda iyo xuquuquda insaanka, waxay taasi si sahlan dalalkan uga dhigi kartaa barkin uu ku feer barto Maamulka Biden.

Waxaa intaa dheer in baahidii tamareed ee loo qabey saliidda Khaliijku ay sii yaraanayso sababo la xiriira ilo biddaal ah oo la helay sida tamarta la cusboonaysiin karo iyo saliid badan oo laga helay dalal kale sida Woqooyiga Ameerika, waxay taasi hoos u dhigaysaa una sii dhigi doontaa muhiimaddii Amiirrada Khaliijka, waxaana hal cashar la bartay markii ay baahida saliiddu dhulka gashay taasoo dishey sicirkii saliidda, intii lagu jirey xasaradda weli taagan ee Covid-19.

Tan kale, talisyada Khaliijka oo aan lahayn awood dhanka istaraatijiga ah iyo raasumaal dad oo wax soo saari kara ayaa aalaaba ku tiirsan ilaalinta reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka oo beri dhowayd muujiyey in aanu shafka u garaaci doonin difaacidda Khaliijka, haddii uu lacalla marka dambe dhaco dagaal furan oo ay la galaan isla dalka uu Maraykanku ku shuqaynayo ee Iiraan, haddii ay taasi keenayso waxyeello jireed oo Maraykanka soo gaarta, waana sababtii keentay inuu Imaaraadku bedelo siyaasaddii uu ku wajahayey Iiraan kaddib markii la holciyey wershadda ugu wayn ARAMCO ee dalka Sucuudiga, isla markaana Gacanka Beershiya iyo Gacanka Cadmeed lagu qarxiyey dhowr markab, taas oo uu adeer Maraykan ku daawaday, si lala yaabay.

La soco qaybta 3-aad….

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media