SAAMILEEYDA SIYAASADDA!

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2020 – Asxaabta ciid wanaagsan. Geeri iyo nolol waxa u dhexeeyaa waa silic iyo saxariir. Mar mar bey geeridu dhaantaa nolosha qaarkeed. Xadiiska ayaa tilmaamaya in adduunyadu ay mar iman doonto in (qofku qabri soo ag maro oo yiraahdo: waxaan jeclaan lahaa inaan meeshaada aal) dhibka iyo fitnada uu arkayo darteed.

Waxa ina haysta 15 malyan oo Soomaali ah weynu wadaagnaa, waxaase sababteeda weyn sii leh 1500 qof dad aan ka badnayn oo Soomaali ka ah: 0.01% oo ka shaqeeya ama ku shaqaysta waxa loo yaqaan ”siyaasadda”.

Beryahanna magac cusub ayey la bexeen oo la yiraahdo (SAAMILEYDA SIYAASADDA) (Made in Somalia 2020) sida (14,998,500) muwaadin Soomaali ah iyo dalkooduba yahay (xoolo) ay iyagu leeyihiin, haddaan kuwaas hangool la iskaga qaban mindhaa soomaaliyi ma sal dhigato, adduunna lama tartanto.

Waxaa qoray: Sheekh Maxamed Idriis

Hadalsame Media