Tanzania oo tillaabo aarsi ah ka qaadday Kenya & xaaladda oo cakiran (Maxaa la isku hayaa?)

0

(Dar es Salaam) 01 Agoosto 2020 – Tanzania ayaa mamnuucday dayuuradda calansidaha ah ee Kenya Airways, wax qayb ka ah diblomaasiyad middi middi ku taag ah oo labada dal ka dhex oogan, taasoo ku saabsan sida ay Tanzania ula xaashay cudurka coronavirus.

Tanzania ayaa sheegtay in duullimaadyadii Kenya Airways laga mamnuucay imaanshaha dalkaasi sabab “rogaal ah” kaddib markii ay Kenya guddoonsatey inay Tanzania ka reebto liiska dalalka ay rakaabkoodu iman karaan Kenya kaddib markii ay soo celisey duullimaadyadii caalamiga ahaa maanta oo ah 1-da Agoosto, sida uu sheegay madaxa hay’adda duullimaadyada rayidka Tanzania Md Hamza Johari.

Johari ayaa sheegay inay Tanzania baabi’isay heshiiskii ay Kenya Airways (KQ) uga kala duuli jirtey Nairobi iyo Dar/Kilimanjaro/Zanzibar isla 1-da Agoosto, 2020.

Xoghayaha Guud ee Kenya Airways, Md Allan Kilavuka, ayaa sheegay inuu  “ka xumaaday” warqaddaas, isla markaana uu rajaynayo in arrintan loo xalliyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Hadalsame Media