”Kaddib Somalia & Qadar waxaan saldhig ka samaysanaynaa Cumaan” – Arrintan oo jug istaraatijiyadeed ku ah Imaaraadka marka la eego halka uu ku yaallo jasiirad-u-ekaha Musandam

0

(Musqaat) 02 Agoosto 2020 – Waxaa soo baxaya war sheegaya in Turkigu uu saldhig ciidan ka samaysanayo Saldanadda Cumaan, taasoo haddii ay rumoowdo Turkiga ka dhigaysa quwad saamayn wayn ku leh Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badwaynta Hindiya, isla markaana door wayn ku yeelan kara dagaalka ay Yaman ka hurinayaan Sucuudiga iyo Imaaraadku.

Warkan ayaa soo kabaxay kaddib markii uu Ibrahim Kargul, oo ay aad iskugu dhow yihiin MW Recep Tayyip Erdogan, uu sheegay inuu Turkigu heshiis uu saldhig ciidan ku samaysanayo la gaarey Saldanadda Cumaan.

Kargul ayaa ku qoray Twitter: “Erdogan wuxuu ku guulaystey inuu sii adkeeyo caqliyadda siyaasad-dhuleed ee uu ku koontoroolayo Badda Cas isagoo saldhigyo ciidan ku leh Somalia iyo Khaliijka, isagoo Cumaan mid ka samaysanaya kaddib Qadar iyo Somalia.”

Xeeldheeraha arrimaha ciidanka Turkiga, Akar Hakan ayaa isna xaqiijiyey inay Turkigu heshiis iskaashi amaan ah la gelayaan Saldanadda Cumaan.

Wuxuu se sheegay inaanu weli dhicin kulan lagaga hadlay siyaasad ama amaan oo toos ah maalmihii yaraa ee tegey, marka laga reebo Xoghayaha Guud ee Wasaarad Dibadeedka Cumaan iyo Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibedda Turkiga oo ka wada hadlay arrimo dhaqaale, bulsho iyo dhaqan ku kooban.

“Balse taasi diidi mayso jiritaanka iskaashi ciidan oo dhex mara Saldanadda Cumaan iyo Turkiga,” ayuu yiri Akar Hakan oo sheegay in arrintani aanay cusbayn oo la isla soo qaaday 2 sanadood kahor, balse aanay weli wax rasmi ihi dhicin.

Yeelkeede, Salem Al-Jahoury, oo ah weriye Cumaani ah oo sidoo kale ku xeel dheer xiriirka caalamiga ah, ayaa sheegay in wararkan cusub ee ku saabsan saldhig uu Turkigu ka samaysanayo Buraimi, ay tahay arrin la doonayo in lagu xumeeyo xiriirka Cumaan iyo dersaanteeda Khaliijka.

Arrintan xiisaha badani waxay tahay, haddii uu Turkigu saldhig ka helo Cumaan waxay dhirbaaxo istaraatiji ah ku noqonaysaa Imaaraadka (arag maabka hoose), waayo Cumaan waxay ka talisaa jasiirad u ekaha Musandam oo ah goosin dhul ah oo Cumaan ka tirsan balse ku dhex taalla Imaaraadka, weliba raas muhim ah oo istaraatiji ah, marka taa lagu daro inuu Turkigu sii joogey Qadar oo jihada ka xigta Imaaraadka oo sidaa ku hareereeysan.

Hadalsame Media