DAAWO: Somalia oo markii ugu horreeyey yeelatay MACHAD aad u muhiim ah (Maxaadan ogayn oo uu ka shaqayn doonaa?)

0

(Muqdisho) 02 Agoosto 2020 – Xil-gaarsiiyaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Md Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta xarigga ka jaray Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga oo ah hay’ad daraasadeed oo loo baahnaa.

Machadkan oo marka laga soo tago lafa-gurka, cilmi baarista iyo u kuurgalka, sidoo kale tababari doona khubaro dhanka amaanka ah isla markaana odorosi kari doona xaaladaha amaan ee qaran, gobol iyo caalami ayay Somalia oo aan lahayn hay’aad noocaas ihi aad ugu baahnayd.

Dadka lagu tababarayo ayaa iskugu jiri doona saraakiil ciidan oo ka socda dhanka Dowladda Somalia iyo kuwo madani ah oo kasoo baxay jaamacadaha kala duwan isla markaana sita shahaadada koowaad ee daraasaadka amniga.

”Waxaa lagu eegi doonaa amaanka qoowmiga ah ee Soomaaliyeed, waxa noqon kara arrin muhim u ah amaanka qaranka, amniga gobolke Geeska Afrika iyo xiriirka nagala dhexeeya, Carabta iyo Caalamka, amniga fikirka sida midka kooxaha xag-jirka ah, amniga cudurrada iyo saamaynta ay nagu yeelan karaan. In maskax Soomaaliyeed oo fikiri kartaa ay arrintan daraasadeeyso kaddibna wax laga soo saaro waa mid loo baahan yahay.” ayuu yiri ii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Md Mahdi Maxamed Guuleed.

Machadyada noocan oo kale ah ayaa muhim u ah jihaynta siyaasadda gudeed iyo gaar ahaan midda dibadeed ee uu dal u yeelanayo si joogto ah, iyada oo lagu soconayo wadiiqooyin istaraatiji ah oo ay jeexeen culimo aqoon u leh waxa caalamka ka socda, iyadoo marka dib loo eego go’aamo badan oo ay Somalia horay u gaartey oo ka imanayey qof shakhsi ah, balse aan lahayn faham iyo bisayl guud ay Somalia aad u eedday, sida doorashadii Talyaaniga iyo diidmadii Britain, dagaalkii 77 oo la galay iyadoo aanu jirin qorshe caalamka ka gadmi kara iyo saaxiibbo la isku hallayn karo oo istaraatiji ah, cayrintii isla Soofiyeetka biddaal la’aan, jabhadihii qabaliga ahaa iwm.

Nasiib xumo, Somalia ayaa ilaa maanta wajahaysa go’aamo shakhsi ah oo keeni kara isbedello aan ahayn kuwa loo baahan yahay ee u danta ah dal iyo dad.

Hadalsame Media