DF Somalia oo si rasmi ah u shaacisay xilliga dib loo furayo duullimaadyada caalamiga ah iyo adeegyada caamka ah ee gudaha

0

(Muqdisho) 30 Luulyo 2020 – Kulankii Khamiislaha ahaa ee ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada KMG ah ee DF Somalia, ayaa laga soo saaray qoraal fasaxaya in dib loo fasaxo dhamaanba adeeg kasta oo loo hakiyey cudurka Covid-19 dartii.

Wasiirrada ayaa sheegay in duullimaadyada caalamiga ah ee iman jirey Somalia si rasmi ah oodda looga qaadi doono 3-da bisha Agoosto, 2020-ka.

Waxaa sidoo kale dib loo furi doonaa dhamaana iskuulladii, Jaamacadihii iyo goobihii waxbarasho ee la xirey, marka la gaaro 15-ka isla bisha soo aaddan ee Agoosto.

Golaha Wasiirrada ayaa tillaabadan u daliishanaya in ay yaraatay halista durayga COVID-19, waloow ay soo jeediyeen inay shacabku ka feejignaadaan hab-dhaqankooda, maadaama ay iman karto mowjid rogaal celis ah.

Hadalsame Media