Imaaraadka oo lagu eedeeyey inuu laaluush ku bixiyey wiiqitaanka dimoqraadiyadda Tuniisiya (Guddoonka Baarlamanka oo loo qaaday codka kalsoonida)

0

(Tuunis) 30 Luulyo 2020 – Afhayeenka Baarlamanka Tunisia, Rached Ghannouchi, ayaa sibiq uga baxsaday codka kalsoonida oo loo qaaday, iyadoo lagu eedeeynayo inuu sameeyey xadgudub awoodiisa ka baxsan.

Waxaa in xilka laga eryo u codeeyey 97 Xildhibaan, halka codadka lagu tuuri karey ay ahaayeen 109 cod, taasoo ka dhigan inuu ku badbaadey 12 cod oo qura.

Mooshinkan, oo ay u ololeynayeen Xisbiga Free Destourian Party (PDL), ayaa Md Ghannouchi, oo wax ka aasaasay xisbiga Ennahda oo ah xisbi ku dhisan aragti Islaami ah balse dimoqraadi ah, ku eedeeyey inuu xadkii ka baxay oo la xiriirey awoodo shisheeye ah, isla markaana uu ku xadgudbey dhexdhexaadnimadii laga doonayey, isagoo ay ku eedeeyeen inuu u eexday xisbigiisa.

PDL, oo ah mid xiriir la leh diktaytarkii hore ee Zine El Abidine Ben Ali, ayaa waxaa kusoo biiray afar xisbi oo kale, Democratic Group (Democratic Movement iyo Echaab Movement), National Reform group, Tahya Tounes iyo Al Watania.

Madaxa Xildhibaannada Ennahda ugu jira Baarlamanka, Noureddine al Beheiri, ayaa sheegay in dalal Khaliijka ah, gaar ahaan Imaaraadka Carabtu uu laaluush ku siiyey xildhibaannada in la dumiyo dowladda Tuniisiya iyo dimoqraadiyadda ka hir gashay.

Imaaraadka ayaa sanadihii dambe noqday mid dhex boodaya dalalka Muslimka ah isaga oo ka dhex wada ajendayaal burburin ah oo la fahmi la’yahay danta ugu jirta.

Turkiga ayaa maanta ku eedeeyey inuu dalal kale u shaqeeyo.

Hadalsame Media