Ciidamo Masaari ah oo markii ugu horreeysey ka degey dalka Suuriya (Turkiga oo isha ku haya)

0

(Xalab) 30 Luulyo 2020 – Masar ayaa ciidamo u dirtay baadiyaha Xalab ee dalka Suuriya iyaga oo kaashanaya ciidamada Iiraan, sida ay faafisay wakaalad wareedka Anadolu Agency (AA) oo xiganaysa ilo ciidan.

Sida ay qortay AA, ilaa 150 askari oo masaari ah ayaa galay Suuriya, iyaga oo maraya garoonka millateri ee Hama waxaana markii dambe la geeyey galbeedka Xalab oo u dhow koonfurta Idlib.

Idlib ayaa waxaa haatan deggan ilaa 4 milyan oo rayid Suuriyaan ah, kuwaasoo ay ku jiraan boqollaal kun oo dagaalladu barakiciyeen kaddib sanado badan, iyaga oo haatan ku xasilay xabbad joojin halkaa ka dhaqan gashay.

Qiyaastii 1 milyan oo ka mid ah ayaa barakacay kaddib markii ay halkaa weerar ku qaadeen ciidanka taliska Bashar Assad iyo xulufadiisa bishii Nofeembar.

Yeelkeede, 6-dii Maarso ayay Ankara iyo Moscow ka shaqeeyeen xabbad joojin halkaa ka dhaqan gashay. Turkiga ayay halkan ciidamo ka joogaan.

Hadalsame Media