”Itaalkaaga ogow!” – Turkiga oo Imaaraadka ku tilmaamay dal yar oo ay dowlado shisheeye ku shaqaystaan kuna gooddiyey inay la xisaabtami doonaan!

0

(Ankara) 30 Luulyo 2020 – Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar, ayaa Imaaraadka ku eedeeyey inuu kacayo “falal aad u liita” oo uu ka wado Libya iyo Syria isagoo wacad ku maray inay Ankara taa u qabsan doonto marka la gaaro “goorta iyo goobta ku habboon”, sida lagu faafiyey Al Jazeera maanta.

“Imaaraadku wuxuu taageeraa kooxaha argagixisada ah ee la colka ah Turkey isagoo ujeedkiisu yahay inuu wax noo dhimo,” ayaa Akar laga soo xigtey. “Imaaraadku waa inuu gartaa itaalkiisa iyo cabbirkiisa yar iyo xadka uu la eg yahay musuqa iyo mucaaradnimada uu faafinayo.” ayuu daba dhigay.

Akar ayaa sidoo kale kashifay arrin Imaaraadka lagu xanto, isagoo tilmaamay inay dad kale “faa’iido” u leeyihiin. “[Imaaraadku] waxay ka shaqeeyaan danaha siyaasadeed iyo kuwa ciidan ee dalal kale, waxaana la adeegsadaa iyada oo laga fog yahay,” ayuu yiri.

Ankara iyo Imaaraadka ayaa waxaa ka dhexeeyey xiriir taag taagan tan iyo 2016-kii, markii uu dhicisoobey afgembi laga dhigay Turkiga, kaasoo ay Ankara sheegtay inuu wax ka ogaa dhaxal sugaha Abuu Dabeey, Mohammed bin Zayed.

Hadalsame Media