”Weligay waxan oo kale ma arag!” – Kalluun cir-dheceen lagu misaaley oo kusoo caariyey xeebaha Australia + Sawirro

0

(Victoria) 29 Luulyo 2020 – Makhluuq araggiisu naadir yahay oo cir-dheceen (alien) lagu misaaley ayaa kusoo caariyey xeebaha Australia, iyadoo ay dabaalatadu la yaabban tahay.

Waxshigan, oo lagu sheegay kalluun qorrexeed lagana helo xeebaha kulaalaha, ayaa lagu arkay afka webiga Kennett River ee ku darsama xeebaha gobolka Koonfur Galbeed ee Victoria.

Cath Rampton iyo odaygeeda Tom, oo labaduba ruug caddaa ah, ayaa sheegay inay la yaabeen kana argagexeen markii ay indhaha ka qaadeen kalluunkan oo aanu midkoodna abid horay u arag.

Tim Rothman iyo James Barham ayaa Daily Mail Australia u sheegay in kalluunkani uu dherer iyo ballac ahaan ahaa 10 mitir, balse uu sidaa ku yar yahay marka la eego gacalooyinkiisa naadirka ah.

‘Weligey waxan oo kale ma arag, markii dusha sare laga arko waxaa la moodayaa cir-dheceen,’ ayuu Mr Rothman u sheegay Geelong Advertiser.

Hadalsame Media