Kenya oo sheegtay inay Somalia ugu badan tahay dadka uu Covid-19 kula dhacay dalka Kenya (Arag tirakoobka ajaanibta)

0

(Nairobi) 28 Luulyo 2020 – Ilaa 456 qof oo shisheeye ah ayaa cudurka Coronavirus kula dhacay dalka Kenya kuwaasoo ka mid ah 17, 603 kiis (17,147 waa Kenyan) oo dalkaa laga diiwaan geliyey, sida ku qoran The Star.

Cudurkan oo ay u dhinteen 280 qofood ayaa dalka ugu sarreeya uu yahay Somalia oo la diiwaan geliyey 96 qof. Waxaa soo raacaysa Hindiya 00 59 qofood ah iyo Shiinaha oo 47 qofood ah.

Kaddib UK 37, Uganda 24, Tanzania 20, South Sudan 19 halka Ecuador iyo Sri Lanka ay yihiin min 12 muwaadin.

Waxaa magaalooyinka ugu badan Nairobi oo laga diiwaan geliyey 10, 288 kiis waxaana soo raacda Mombasa oo mareeysa 1,950 deeto Kiambu oo laga qoray 1, 141 kiis.

Halkan ka akhriso warbixinta oo dhamaystiran.

Hadalsame Media