DHIMASHO AAMUSAN: Dadka Muqdisho oo u le’anaya durayga Covid-19 & dadka oo aan ku baraarugsanayn (Daawo)

0

(Muqdisho) 28 Luulyo 2020 – Tirakoobka rasmiga ah ee dadka Somalia ugu dhintay Covid-19 ayaa wuxuu muujinayaa inuu ka yar yahay 100 qofood, balse qubuuraha Muqdisho ayaa sheeko kale sheegaya, sida lagu faafiyey BBC Africa Eye.

Tan iyo markii uu cudurku Muqdisho gaarey bishii Maarso, Dr. Hilwa iyo Dr. Abdilatif oo ka howlgala Isbitaalka Martiini ayaa ku dedaalaya inay dadka siiyaan daryeel caafimaad, balse ma hayaan kaabayaasha asaasiga ah sida neef-siiyeyaal iyo ogsijiin ku filan.

BBC Africa Eye ayaa tagtay qubuuraha Barakaat ee Muqdisho oo sii bararaya marka la eego sawirro laga qaaday dhanka hawada sare, waxayna soo ogaatey inay ilaa bishii Jannaayo qodeen in ka badan 2,000 oo qabri, taasoo ka badan tiradii caadiga ahayd. Dadka halkaa lagu aaso ayaa waxaa ay eheladu ka sheegayaan astaamaha Covid-19, waloow aysan qaarkood isbitaalba aadin ama heli karin.

Dr. Hilwa ayaa sheegay in Soomaali badani ay su’aal ka qabaan tayada adeegga ay ka heli karaan isbitaalka sidaa darteed ay door bidaan inay guryohooda isku baxnaaniyaan xitaa haddii ay aad u bukaan, waayo qaar baa Martini u yaqaan “Isbitaalkii geerida.”

Saasoo ay tahay dad badan ayay naftooda badbaadiyeen Dr. Hilwa iyo Dr. Abdilatif sida ayeeyo lagu magacaabo Mama Fardumo, oo kasoo kabatay cudurka karoonaha kaddibna gurigeeda ku laabatay.

Hadalsame Media