Guddoonka Baarlamanka oo sheegay in kalsoonidii lagala noqday Xukuumadda RW Khayrre (Arrin aan Xukuumadda khuseynin oo lagu eedeeyey)

0

(Muqdisho) 25 Luulyo 2020 – Guddoonka Baarlamanka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in uu Baalamanku kalsoonidii kala noqday Xukuumadda Ra’iisul Wasaraaha Somalia, Xasan Cali Khayrre.

Waxaa uu hadlayey kaddib kulan ay foowdo hareeysay oo maanta u qabsoomay Xildhibaannada, kaasoo sida uu soo qoray Mahad Salaad ay 170 xildhibaan kalsoonida kala noqdeen RW Khayrre.

Guddoonka Baarlamanka, Md Mursal ayaa Xukuumadda ku eedeeyey in sida uu yiri ay ku ”fashilantay” arrimaha doorashooyinka 2020/2021, waloow aysan taasi ka mid ahayn shaqooyinka toos u hoos tegaya Xukuumadda.

Waxaa la fahamsan yahay in tillaabadani ay ku dhisan tahay qorshe ay isla dejiyeen MW Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal, kuwaasoo xildhibaannada ku qanciyey muddo kororsi horay muran badan u dhaliyey, lagana digey inuu dalka u horseedo qaaquullo iyo xasarad siyaasadeed.

RW Khayrre ayaa dhowr mar oo hore sheegay inuu kasoo horjeedo wax muddo kororsi ah, iyadoo ay dheceen kulamo badan oo uu ku diidey in uu aqbalo in muddada la kororsado.

Hadalsame Media