Maxay Farmaajo & Khayrre u dhalaysaa tillaabada uu qaaday Baarlamanka Dhexe?

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2020 – Waxaa haatan si rasmi ah usoo ban baxay khilaaf muddo la huurinayey oo u dhexeeyey MW Farmaajo iyo RW Khayrre, kuwaasoo isku khilaafay moodalka doorashada, muddo kororsi la wado iyo arrimo kale.

Waxaa kaddib isku biiray Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanno iska raaridey inay ugu badiso in meesha laga saaro xukuumadda haatan jirta, si muddada loo kororsado.Guddoonka Baarlamanka, Md Mursal ayaa sheegay in ”Xukuumaddu ku fashilantay” arrimaha Doorashada, balse qof kasta waa og yahay in ay howshaasi tahay mid aan khuseeynin Xukuumadda oo uu u xil saaran yahay Guddi Madax Bannaan.

DHAAWAC DHANKA QIYAMKA AH: Waloow uu weli muran ka joogo sharciyadda loo maray kalsooni kala noqoshada la sheegayo, maadaama aan la keenin marmarsiinyo sharci ah oo ka badan inuu RW Khayrre diiddan yahay muddo kororsi sharci darro ah, misna xitaa haddii ay sidan ku baxdo Xukuumadda Khayrre maxay uga dhigan tahay MW Farmaajo & Gud. Mursal?

RW waa la bedeli karaa iyadu dhib wayn malaha, balse waxaa hubaal ah inay waayeen taageerada shacab badan oo jecel inay dowlad dhisiddu ku socoto waddo toosan, isla markaana aad ugu xil hayey gaar ahaan Madaxwaynaha oo loo arkayey nin isbeddel doon ah oo ka roon siyaasiyiintii lagu yaqaanney kursi jacaylka markii horeba keenay burburka ku dhacay dalka, dadkuna aanay ogolayn in isla jidkii shalay markale la qaado.

Waxaa kale oo aan la hubin sida ay arrintan uga jawaabi doonaan maamul-goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka, sidoo kale beesha caalamka oo aad u taageersan in la qabto doorasho la isku waafaqsan yahay, kharash badanna ku bixisa geeddi socodka dowlad dhisidda dalka ayaa dhinac kale ah.

Arrin kale waxay tahay in ay arrintani jidka u fali karto in aan mar kale lasoo dooranin Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo la fahamsan yahay in sida qura ee ay rejo barteed ku lahaan kareen ay ahayd iyaga oo iskaashada, balse hadda ay marti u noqonayaan dad ay siyaasadda ku coltameen oo raadin doona fursad ay uga aarsadaan laftooda.

Arrintan ayaa dhanka kale shacbiyad u yeelaysa RW Khayrre oo ay dadku u arkayaan nin ku taagan moowqif sharci ah, isla markaana kasoo dhalaalay shaqadii loo xil saaray ee dhanka Xukuumadda oo ah midda fulisey howlaha dayactirka iyo dib u dhiska ah, isla markaana aan farsamo ahaan shuqul ku lahayn howlaha cakiran sida muranka Maamullada iyo arrimaha doorashooyinka.

MUXUU DALKU MUDAN KARAA? Waxaa fiican inay wax kastaahi si sahlan ku dhamaadaan oo dalka loo turo, dan gaar ah iyo xilna laga hormariyo danta dalka iyo dadka, balse waxay arrintani keeni kartaa in la sameeyo qorshe siyaasadeed oo ay marka kale keena faragelintii iyo waxyaabihii loo yeerin jirey Soomaalida.

Waxaa soo noqon kara sheekooyinkii Campala Accord, Road Map X iwm, taasoo dib u dhigaysa hankii ahaa dowlad dhisidda dalka iyo niyaad wanaaggii ku dhisnaa dimoqraadiyad u dhaqaaqda si aanu ku jirin damac shakhsi ah oo keeni kara jug wayn oo dalka iyo dadka gaarta, isla markana quusisa dunidii Somalia u xil heysey.

Hadalsame Media