”Wuxuu ahaa dameer edeb daran!” – Saxaafadda Kenya oo Somalia ka qortay sheeko yaab badan!

0

(Nairobi) 24 Luulyo 2020 – Dayuurad ku fadhida Sh0.5 bilyan oo shilinka Kenya ah ayaa ku burburtay Somalia kaddib markii uu jidka ka weeciyey ”dameer edeb daran”, waxaa sidaa warkiisa ku bilaabay warqaadka Business Daily ee Kenya.

Warbixin hordhac ah oo kasoo baxday dhanka Hay’adda Duullimaadyada rayidka ah ee Somalia (SCAA), ayaa sheegaysa in ay dameeruhu daaqayeen cows u dhow dhabbaha dayuuradda, markaasoo ay dayuuradda degeysaa cabsi gelisey kaddibna ay dhankeeda usoo dideen.

Dayuuradda ayaa deeti si halhaleel ah u duushay iyada oo garab ama dhinac ku dhufsatay carro-tuur dhabbaha dhinac yaalley, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan inuu dhex yaalley.

Kaddib shilka Beledwayne waxaa dib Nairobi loogu duuliyey kabtan Farah Ahmed, iyo kabtan xigeen Shukri Farah, oo Soomaali Kenyan ah, iyadoo aanu dhicin dhaawac darani, waxaana Somalia yimid dad baara shilalka dayuuradaha oo Kenya ka socda. Waxay maalin dhowayd horay u sheegeen inay dayuuraddu sababsatay carro-tuurka.

Hadalsame Media