Hagia Sophia oo salaaddii ugu horreeysey maanta lagu oogey kaddib 86 sanadood + Sawirro

0

(Istanbul) 24 Luulyo 2020 – Waxaa maanta lagu dukadey markii ugu horreeysey muddo 86 sanadood ahayd oo ay matxaf ahaan u shaqaynaysey Hagia Sophia oo ku taalla Istanbul, oo maanta kaddib masjid ahaan doonta markale.

“Waxaannu ognahay inuu jiro damac ah inay dalxiisku doonayaan inay ku dukadaan Hagia Sophia,” ayuu yiri Barasaabka Istanbul, Ali Yerlikaya, oo mar sii horreeysey sheegay inay qaadayaan tillaabooyinka loo baahan yahay.

Waxaa halkaa salaadda Jimcaha wax uga dukadey ninka ka dambeeya fikraddan oo ah MW Turkiga ee Erdogan oo sheegay in hadda kaddib Hagia Sophia ama Aaya Suufi masjid loogu yeeri doono.

Waxaa aad loo sugay amaanka masjidka oo la dhigay in ka badan 11 isbaaro oo amaanka lagu sugayey, iyadoo la sameeyey hab-howleedyo sahlaya inay dadku dhaqse u kala socdaan ama u galaan masjidka, iyadoo dadka horay lagaga codsaday inaysan soo qaadan boorsooyin.

Waxaa sidoo kale la baarayey heer-kulka dadka iyada oo la hubinayey in uu qof kasta maasgare xiran yahay. Waxaa la taagey 17 goobood oo caafimaadka lagu baarayey oo ay ka howlgelayeen 736 shaqaale caafimaad iyo 101 ambalaas iyo dayuuradaha qumaatuga u kaca oo heegan ahaa.

Arrintan ayaa muran ka dhalisay caalamka, iyadooo ay xitaa kasoo horjeesteen dalal Carbeed iyo Turkiga ay cilmaaniyaddu ku fogaatey, balse MW Turkiga ayaa sheegay inay arrintani tahay mid maxalli ah oo aaney dookh iyo dood toona ku lahayn dowlad iyo qof shisheeye ah.

Hadalsame Media