Waa kasoo carartay isna inta ka daba yimid ayuu bulukeeti ku masaxay kaddibna sigaar ayuu ku dul shitay, waana aabeheed!!

0

(Camaan) 23 Luulyo 2020 – Nin u dhashay dalka Urdun ayaa lasoo qabtay isagoo ku eedeysan dilka gabadhiisa, wax lagu sheegay ”dil sharafeed”, taasoo kicisay dareenka dadka dalkaasi, sida lagu faafiyey Roya News.

Dadka ayaa aad u caroodey kaddib markii la helay muuqaal internet-ka la dhigay oo muujinaya gabadha la diley oo magaceeda lagu sheegay Axlaam oo uu maydkeedu jidka yaallo.

Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in ay arkayeen gabadha oo iyada oo uu dhiig ka hoorayo kasoo ordaysa gurigooda iyadoo aad u qaylinaysa, waxaana markiiba ka daba yimid aabeheed oo bulukeeti ku jejebiyey, kahor intii aanu sigaar ku dul shidanin shaahna ku dul cabin maydkeeda.

Waxaa iminka bilowday olole la yiraahdo ‘Qayladii Axlaam’, kaasoo lagu dalbanayo in la adkeeyo ciqaabta dembi guriga, gaar ahaan gacan ka hadalka guud ahaan ka dhanka ah haweenka iyo waxa loo yaqaanno ”dilka sharafta.”

“Waa mid murugo badan in Urdun ay ragga qiranaya inay dileen gabdhohooda ama walaashood ay ka badan yahay kuwa u doodaya xaqa ay haweenku u leeyihiin inaan sidaa loo dilin,” ayuu soo qoray qof ka mid ah boqollaal caro la qaacayey oo farriimo isku waydaarsanayey baraha bulshada.

Hadalsame Media