DHEGEYSO: ”Waa lagaala wareegi karaa haddii la TUHMO inaad ilmo aan qaan gaarin u kaxaynayso GUUR ama GUDNIIN”

0

(Motala) 23 Luulyo 2020 – Waxaa jira sharci dhaqan galay bilowgii bishan Luulyo kaasoo dhigaya in ay Hay’adda Daryeelka Bulshada ee Social-ku safarka ka baajin karaan, khasab kula wareegi karaan ilmaha, maxkamadayna karaan waalidiinta, haddii xitaa lagu tuhmo in dib loogu celinayo dalalka ay kasoo jeedaan si loogu guuriyo ama loosoo gudo.

Shalay ayaa gabar 11-jir ah garoonka laga soo celiyey Galbeedka Sweden, kaddib markii ay social-ku ka war heleen in dugsigii laga saaray oo sida ay iyadu sheegtay loo wadey Turkiga si nin loogu daro, sida lagu faafiyey SvT, waxaana qabanaya sharcigan la hirgeliyey 1-dii bishan Luulyo.

Haddaba, weriye Jotiar Murad oo ka tirsan Laanta Af Carabiga ee Raadiyaha Sweden, ayaa madaxa hay’adda Daryeelka Bulshada ee maamulka bulshada ee Degmada Motala, Per-Olof Andersson, waydiiyey sida ay Social-ku ku caddayn karaan in da’yarka ay arrintu khuseeyso  ee waalidkii la safraya loo wado in qof loosoo guuriyo ama lasoo gudo?

Hadalsame Media